AKHRISO: Shir u socday D. Faderaalka & Dawlad gobaleedyada oo go`aamo xasaasi ah laga soo saaray

AKHRISO: Shir u socday D. Faderaalka & Dawlad gobaleedyada oo go`aamo xasaasi ah laga soo saaray

Kulan looga hadlayay Arrimaha dibu eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka ee dawladda Faderaalka, oo hadda dadaal ugu jirta in meelmar laga dhigo Dibu qoridda Dastuurka dalka.


Dawladda Soomaaliya ayaa xooga saaraysa in la helo Dastuur laysku haleyn karro, oo ay curiyaan Shacabka Soomaaliyeed.
Warmurtiyeed ay isku raacsan yihiin dawlad gobaleedyada & Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa la soo saaray, kaas oo ka dhigan in ay hadda wadiiqada dibu qoridda Dastuurka isku raacsan yihiin.

1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si looga baxo Dastuurka hadda jira ee ku meel gaarka ah.

2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo wada shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

3) Si loo xaqiijiyo dowrka Dowlad Goboleedyadda dalka ee ku aadan Dib-u-Eegista Dastuurka, waxaa la qaban doonaa kulamo wadatashi oo joogto ah (saddexdii biloodba mar, ama markii ay jirto xaalad deg deg ah).

4) Madashu waxay ka shaqaynaysaa danta guud, midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo in Dastuurka uu noqdo mid Soomaali leedahay ayna hogaamineyso.

5) In laga wada shaqeeyo in Dastuurka lagu soo gabogabeeyo muddo labo sanno gudahood.

6) Madashu waxay sahli doontaa daahfurnaan, xog-isweydaarsi, wadatashi, wadashaqeyn joogta ah iyo hogaan wanaagsan.

7) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, waxay ka shaqeyn doontaa in ay taageerto Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada baahiyooyinkooda kala duwan sida qalabeynta, tayeynta, tababarada iyo howlaha dhinaca Dastuurka.

8) In Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay ka tala-geliso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada dalka arrimaha wacyi gelinta bulshada, waxbarshada madaniga ah iyo la tashiyada dadweynaha si loo hormariyo Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

9) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS waxay u xilsaarantahay diyaarinta iyo fududeynta habsami u gudashada howlaha Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha ka qeybqaadanaya arrimaha Dastuurka.

10) Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS waxay balan qaadaysaa inay Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeyso sidii ay uga heli lahaayeen deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo Dawladda Federaalka miisaaniyad ay ku gutaan howlahooda wacyigalinta bulshada ee la xirrirta dib u eegista Dastuurka.
Developed by Jago Desain