barlamaanka puntland oo ka doodaya Xaalada Markabkiii Ku qarxay Xeebta Murcanyo ee Gobolka Gardafuu

barlamaanka puntland oo ka doodaya Xaalada Markabkiii Ku qarxay Xeebta Murcanyo ee Gobolka Gardafuu

 
Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa ku guda jira Kalfadhigii 39 aad ee Goluhu yeesho tan iyo markii Puntland la asaasey 1998.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada waxaa horyaala shaqooyin badan waxaana kamid ah in ay xukuumadda ka dalabadaan muddada kalfadhigo socdo heshiisyo ay gashey sida kuwa shirkadaha Shiineyska ah ee la siiyey dooxooyin ay shidaal ka baartaan iyaganu ay dhisayaan waddo iyo garoon.

Sidoo kale golaha waxaa horyaala ansixinta iyo xasaanad siinta xukuumadda oo dib loo eegayo.

Golaha wakiilada ee Puntland ayaan looga baran in kalfadhiyadooda ay sameeyaan la xisaabtan iyo dabagal ku aadan xukuumadda, la dagaalanka musuqa iyo eexda, waxaana inta badan ay ansixiyaan waxa xukuumaddu u soo gudbiso.


Hoos ka akhri Ajandaha horyaala:

  1. Ansixinta Ajendaha Rasmiga ah ee kalfadhiga 39aad
  2. Warbixin Guddiga joogtada ah.
  3. Warbixin Guddiyada Gollaha Wakiilada.
  4. Soo gudbinta Heshiisyada Caalamiga ah ee ay xukuumadu gashay.
  5. Xaalada Guud ee amniga dalka.
  6. Ansixinta Xisaab Xirka 2016.
  7. Dib u eegista Xasaanada Xukuumada.
  8. Xaalada Markabka Ku qarxay Xeebta Murcanyo ee Gobolka Gardafuu.
  9. Xaaladda Gobollada Maqan.
  10. Buuxinta Xubnaha Guddiga Joogtada ah.
  11. Maqaamka Caasimadda Puntland Garoowe.
  12. Kala Saarista iyo kala qeexidda Xilalka iyo waajibaadka shaqo ee wasaaraddaha iyo Hay’adaha kale ee dawladda.
  13. Kalluumaysiga Sharci daradda ah ee xeebaha Puntland.
  14. Ansixinta xeerarka Guddiga joogtada ahi si kumeel gaar ah usii meel mariyey.
  15. Xuquuqda Agoomaha ay ka tageen dadka ku dhinta hawlgalada difaaca dalka.
  16. Khatarta caafimaad ay keeneen Ateenooyinka isgaarsiinta.
  17. La Xisaabtanka Xukuumadda.
  18. Ansixinta wixii xeerar ah ee ay xukuumaddu soo gudbiso.
Developed by Jago Desain