Posts

Madax ka tirsan dowladda Somalia oo Martisooray Dalxiisayaal Shiineys ah [Sawirro]

Madax ka tirsan dowladda Somalia oo Martisooray Dalxiisayaal Shiineys ah [Sawirro]

Wasiirk Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeybgalay casho sharaf loo sameeyey 27 dalxiisayaal Shiine ka yimid oo Muqdisho ku sugnaa maalmahan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey shaqsiyaadkii suurtageliyey in 27ka Shiinaha ah inay Muqdisho u soo dalxiistagaan oo welbia geeyey goobo fara badan sida Liido, Jaziira, Xamarweyne, Tiyaatarka iyo goobo kale. 

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa shaqsiyaadkii suurtogeliyey dalxiisayaashan Shiinaha ah ee keenay Muqdisho, tanoo ah tallaabo ku dayasho mudan, noogana baahan inaan caalamka tusno in Soomaaliya ay tahay dal nabad ah oo dalxiisayaasha caalamka ay iman karaan.”

Wasiir Eng. Yarisow oo la hadlay dalxiisayaashan ayaa yiri “Soomaaliya waxey ahaan jirteen dal ay caalamku u soo dalxiistagaan, waxaana idinka rabnaa inaad noqotaan safiiro noo suurtogeliya in dalxiisayaal kale ku soo dhiiradaan oo yimaadaan dalka, bacdamaa ay Soomaalidu ku wanaagsantahay soo dhoweynta, abuurista ganacsiga iyo iyadoo cimilada iyo goobaha dalxiiskaba ay diyaar u yihiin soo dhoweyntiina.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa dalxiisayaasha u sheegay in Muqdisho ay ka furnaan jireen Makhaayado Shiinees leeyihiin oo caan ku ahaa raashinka Shiinaha, haddana ka codsaday dalxiisayaasha inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya.

D1 D2E GF REFF
Developed by Jago Desain