Daawo : Boqorka dalka Ingiriiska Prince Charles Oo Amaanay Burcad Badeeda Soomaalida Sheegayna In Ragaasi Yihiin Dad Xaqooga Difaacanaya

Daawo : Boqorka dalka Ingiriiska Prince Charles Oo Amaanay Burcad Badeeda Soomaalida Sheegayna In Ragaasi Yihiin Dad Xaqooga Difaacanaya

Boqorka dalka Ingiriiska Prince Charles ayaa amaan kala duldhacday kooxaha Burcad Badeedda Soomaaliya ee Maraakiibta ka qafaasha Biyaha Soomaaliya,Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

Prince Charles, oo ah Boqorka Wales oo ka qeyb galay shirka Baddeenna ee lagu soo gaba gabeeyay Maalta Khamiistii ayaa sheegay in Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ay shaqo fiican ka qabteen biyaha Soomaaliya 

Isaga oo Wareysi siinayay Shirka kaddib TV-ga Skynews ayuu sheegay in 10-15kii Sano ee la soo dhaafay ay Burcad Badeedda Soomaalida ah shaqo fiican ka qabteen baddooda maaddaama ay meesha ka saareen Kalluumeysiga sharci darrada ahaa sidoo kalena Maraakiibta ku qasbeenin ay ilaalo qaataan.

Waxaa uu sheegay in Kalluumeysiga Shrci darrada ah uu yahay xaalufka ugu badan ee arxan darrada ah ee Badaha ka dhaca,waxaana uu BurcadBadeedda ku amaanay sida ay u difaacdeen Baddooda.Laakiin Phil Campion, oo ka tirsanaa Ciidanka SAS ee Uk,islamarkaana ah qabiir dhinac badda ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah dadaallada lagula dagaallamayo Burcad Badeedda Soomaalida ah ee Afduubka ka geysta xeebaha Cadam Biyaha Soomaaliya iyo Badweynta Hindiya.

waxaa uu yidhi “waa hadal aan farxad gelineyn ehelka dadkii badnaaee ku dhintay howlgallada Burcad badeedda ka dhanka ah,mana loo baahneyn in xilligan oo kale lagu soo beego hadal dhiirro gelinaya,burcad badeednimo”.

Stephen Beardsley, oo isna ah Askarihore oo Burcad Badeedda Soomaaliya ay ku dagaallameen Biyaha ayaa sheegay in Burcad badeedda aysan amaan mudneyn,waxaanu yiri “ma galaan saaxiibtinimo,mid degaan iyo mid kaleba,waxaa ay kaliya yaqaanaan lacag ama jujuubid adag”.

Prince Charles,intii uu ka hadlayay Shirkii Baddeenna ee Jasiiradda Malta lagu soo gaba gabeeyay waxaauu ka digay Bacaha lagu daadiyo badda oo uu sheegay in ay khatarteeda leedahay,waxaana uu Reer Galbeedka ugu baaqay in ay arrintaas wax ka qabtaan.


Shabakada baargaal.net
isha wararka horumarka deeganada calbari

Developed by Jago Desain