Posts

DEG-DEG: Maareeyihii u qaabilsana shirkada DP Workdvdekeda Bosaso oo diyaarad lagula cararay iyo ...

DEG-DEG: Maareeyihii u qaabilsana shirkada DP Workdvdekeda Bosaso oo diyaarad lagula cararay iyo ...

Shirkadda lagu wareejiyay maamulka dekeda Bosaso ee P&O port, ayaa diyaarad gaar ah ku qaaday maareeyaheeda Paul Formosa , kaasoo loo qaaday magaalada Dubai, sida ilo wareedyo sheegayaan

Sarkaalkan ayaa la sheegay in loo cabsaday ammaankiisa halka wararka qaarna ay sheegayaan inay u yeertay dowladda Imaaraatka Carabta.

Shirkadda P&O port ayaa ka hadashay dhibaatada ka dhalatay xirnaashaha dekeda Bosaso oo maalintii lixaad ayan wax shaqo ka socon,oo doonyihii iyo maraakiibtii siday badeecadaha iyo alaabooyinka kale banaanka dekeda taagan yihiin

Paul Formosa oo ah Maareeyaha Dekeda Bosaso ee shirkadda P&O port ayaa maalintii shalay waraysi siiyay warbaahinta wuxuu ku sheegay in dekeda ay furan tahay oo aysan jirin Deked xiran.

waxaana uu sheegay in macaamiisha isticmaasha ay diidan yihiin in doonyahooda iyo maraakiibtooda ku soo xirtaan Dekeda Bosaso.
Developed by Jago Desain