Ugu yaraan 20 ruux oo ku dhintay dagaal ka socda Somaliland

Ugu yaraan 20 ruux oo ku dhintay dagaal ka socda Somaliland

Ugu yaraan 20 ruux ayaa kuay,in ka badan 30 kalena waa ku dhaawacantay dagaal maalmihii la soo dhaafay ka socday degaanno ka tirsan gobolka Sanaag,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gobolka.

Dagaalka oo u dhexeeya laba beelood ayaa ka bilowday nin lagu dilay degaanka Darar-weyne ee gobolka Sanaag,waxaana haatan sii xoogaystay xiisadda oo saamaysay degaanno kale oo ka tirsan gobolka Togdheer,iyadoo ilaa iyo haatan aanay jirin cid kala dhex gashay labadaan beelood.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook,ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka oo haatan u muuqda mid gacanta ka baxay. 

Mudane. Biixi,ayaa sidoo kale soo jeediyay in wixii la kala tirsanayo lagu dhameeyo“tanaasul iyo is-xaq dhawr”.
Developed by Jago Desain