XOG: Faahfaahin cusub oo ku saabsan ka saarista Imaaraadka Dekedda Jabuuti

XOG: Faahfaahin cusub oo ku saabsan ka saarista Imaaraadka Dekedda Jabuuti

Mas'uuliyiinta Dawlada Jabuuti ayaa ku wargaliyay warbaahinta  Al-Jazeera faahfaahin cusub oo ku saabsan sababaha loo joojiyay maamulka imaaraatka ee terminaalka Durale. 

Waxay sheegeen in lifaaqyada heshiiska qandaraaska ee la siiyey DP World iyo faahfaahinteeda ay ku jiraan qodobo aan xaq ahayn. 
Waxa kale oo ay daaha ka rogeen in Somaliland laga yaabo inay qaadato go'aan lamid ah kaas oo lagu dhameynayo heshiiska Shirka DP world.

saraakiisha reer Jabuuti oo sharaxaad ka bixiyay in qodobada  aan cadaalada ahayn ay kamid yihiin inaan la ogolayn ballaarinta dhismayaasha dekedda ama samaynta wax dhisme cusub ah, iyo sidoo kale sida lookala leeyahay saamiyada looma qaybin  faa'iidada, iyo sidoo kale in  maamulka maaliyadeed ee dekeda gacanta loo galiyo  shirkada Jebel Ali, oo ka tirsan  shirkadaha  DP World group.

Waxay sheegeen in ay mar dambe ogaadeen in 20% ka mid ah faa'iidada ay u leexanaysay labada masuul ee kala ah  Abdul Rahman Puri, oo haa maamulihii hore ee dekedda Jabuuti iyo imjineerkii ka soo shaqeeyay  heshiiska oo hdda degan ama ku sugan Imaaraadka Carabta, iyo Sultan Ahmed bin Sulayem, Guddoomiyaha DP World , iyadoo dawlada jabuuti ay dacwad ku oogtay si ay xaqeedii u soo ceshato sanadkii 2012, waxayna ssheegeen inay sidoo kale u dacwoodeen imaarada Abu Dhabi, kuwaas oo u sheegay in arrintani gaar u tahay xukuumada dubai Dubai, oo aan waxba ka galin.

saraakiisha reer Jabuuti ayaa sidoo kale sheegay in Masuuliyiinta shirkada DP ay u tageen Itoobiya ayagoo u sheegay inay saamiyo ka siinaayaan dekeddaha Casab iyo berbera ee Somaliland, hadii ay joojiyaan iskaashiga ay la leeyiiin dekedda  Jabuuti si ay noo waxyeeleeyaan  

Waxay sheegeen in kulan ka dhacay Dubai markay taariikhdu ahayd 15 February oo ay isu yimaadeen wasiiro ka kala  tirsan Jabuuti iyo Imaaraadka, uu Sultan Bin Sulayem  oo ah  Guddoomiyaha shirkada dekedaha  Jebel Ali uu ku hanjabay in shirkadiisu dekeda jabuuti ay ku celin doonto siday ahayd 2005 deked macmal ah oo heer hoose ah. 
Hadalkaas daraadiis dawlada Jabuuti ayaa Khamiistii la soo dhaafay gabi ahaanba kansashay heshiiska ay shirkada DP world ay muddo konton sannadood ah ku maamuli lahayd dekeda jabuuti 

Xigasho: warbaahinta Aljaziira
Developed by Jago Desain