Imaaraadka oo siyaasi Caan Ah u Wakiilatay Ka Hor-Tagida Mooshinka Barlamaanka Soomaaliya.

Imaaraadka oo siyaasi Caan Ah u Wakiilatay Ka Hor-Tagida Mooshinka Barlamaanka Soomaaliya.

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka ay Xildhibaano u adeegsaneyso in la burburiyo Mooshinka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay doonayaan inay ka geeyaan Heshiiska Dekada Berbera.

Dowlada Imaaraadka ayaa hormuud kaga dhigtay qorshahan Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke kaasoo galaangal fiican ku dhex leh Xildhibaanada sidoo kalena ah wakiilka Imaaraadka ee arimaha Dowlada Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid ayaa ka faa’iideysan doona lacago aad u badan oo dowlada Imaaraadka ay ku bixineyso siday kaga hortagi laheyd mooshinkan, waxaana la filayaa in caawa Kulan gaar ah ay Muqdisho ku yeeshaan Xildhibaanada u shaqeeya dowlada Imaaraadka, iyadoo khadka Telfoonka uusoo gali doono Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Cumar Cabdi rashiid Cali Sharma’arke.

Si kastaba ha ahaatee Xildhibaano dhowr ah ayaa Warbaahinta u sheegay inay qorsheynayaan Mooshin ka dhan Heshiiskii dekada Berbera, kaasoo hada ay sii kordhayaan xildhibaanada is qoraya, waxaana baarlamaanka la horgeyn doonaa marka uu furmo Kalfadhiga ugu horeeya.
Developed by Jago Desain