Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdigii Ugu Balaarnaa oo Ku Wajahan Qatar

Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdigii Ugu Balaarnaa oo Ku Wajahan Qatar

Madaxweynaha dawladda Faderalka ee Soomaaliya Maxamedd Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadka nagu soo aadan bilowgiisa booqasho rasmi ah ku tagi doona dalka Qadar, wuxuuna casumaad ka helay Amiirka dalkaas oo ku casumay in ay kala saxiixdaan heshiisyo waa weyn.
Madaxweyne Farmaajo waxaa safarkiisan ku wehlin doona in ka badan 6 wasiir oo ka tirsan Xukuumada Faderaalka Soomaaliya, Hogaamiyayaal ganacsi, Madax dhaqmeed kala duwan iyo xubno katirsan baarlamaanka Faderaalka ee dalkiisa.
Socdaalku wuxuu ku beegmay waqti xasaasi ah oo ay Imaaraatka Carabta & Soomaaliya aad iskugu hayaan arrimaha dekedaha, gaar ahaana Xukuumada Faderaalka ayaa ka carootay markii DP WORLD ay shaacisay in Somaliland ka madax banaan tahay dawladda Faderaalka.

Mashaariicda la og yahay in la saxiixayo waxaa kamid ah wadooyin cusub, Garoomo diyaaradeed, Dekedo, Difaac, Saldhig ciidan iyo arrimo kale oo dhamaantood ah kuwa ay doonayso Xukuumada Qadar in ay ka hirgaliso Soomaaliya, kuna sii jiidato.


Developed by Jago Desain