SAWIRO : Xaflad sagootin ah oo loo qabtay Dufcadii 3-aad ee Sanadkan ka qalin jabinaysa Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal

SAWIRO : Xaflad sagootin ah oo loo qabtay Dufcadii 3-aad ee Sanadkan ka qalin jabinaysa Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal

xaflad Sagootin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo qabtay Dufcadii 3-aad ee ardayda ka qalinjabinaysa sanad dugsiyeedkan Dugsiga sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal ayaa maantay lagu qabtay Magaalada
Waxaa xaflada kasoo qaybgalay si ay ula qaybsadaan farxada ardayda qalinjabinaysa masuuliyiinta Gobolka oo uu horkacayay isuduwaha wasaarada arimaha gudaha ee gobolka gardafuu Mudane c/qaadir caato ,Masuuliyiinta Degmada oo uu horkacaayay Gudoomiyaha Degmada Abuukar Axmed Yuusuf , mas’uuliyiinta waxbarashada degmada, gudoomiyaha caafimaadka degmada Baargaal Maama istanbuul cali aadan , macalimiinta ka hawlgala iskuulada magaalada kuyaala, waalidiinta, iyo ardayda wax kabarata Dugsiga sare ee maxamed xuseen ee Degmada Baargaal.

wacdi iyo aayado qur’aan ah oo lagu furay xaflada kadib waxaa xaflada lagu bilaabay gabay iyo khudbooyin Carabi iyo English ah oo soo dhawayn ah oo ay soo jeediyeen ardayda iskuulka wax ka barata kuwaas oo marti sharaftii kasoo qaybgashay ay aad ugu riyaaqeen.

waxaa ardayda ku xigsaday oo ka hadlay xaflada maamulaha Dugsi sare ee Baargaal maxamuud Muumin wuxuuna mahad balaaran usoo jeediyey dhamaan marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada sida firfircoonida,ah ee ay uga qaybqaateen xaflada.

waxaa sidoo kale madasha khudbad qiimo badan ka soo jeediyay isuduwaha wasaarada arimaha gudaha ee gobolka gardafuu Mudane c/qaadir caato oo u hambalyeeyay bahda waxbarashada degmada baargaal iyo ardayda maanta qalinjabinaysa asagoo kula dardaarmay inay waxbarahadooda sii wataan si ay naftooda dalkooda iyo dadkooda wax u taraan 

dhinaca kale  sheekh bootaan muuse oo mataalaaya jaamacada Bariga Africa ayaa sidoo kale khudbad dheer oo ku saabsan ahamiyada waxbarashada sare ka jeediyaya madasha asagoo ugu bishaariyaay in dufcadan 2-da arday ee ugu sareeya ay jaamacadu siinayso deeq waxbarasho oo bilaash ah taas aad loogu riyaaqay loona soo dhaweeyay




Waxaa sidoo kale xaflada ka hadlay Mas’uuliyiin , culamaaudiin , marti sharaf iyo aqoonyahanka deegaanka oo aad u badan, dhamaana waxay soo dhaweeyeen qalin jabinta ardayda ayagoo u hambaleeyay Dhaamn ardayda sanadka qalinjabinaysa madashana ka jeediyay khudbado u badnaa dardaaran iyo dhiirigelin

Qaar kamid ah ardayda qalin jabinyasa sanadka ayaa xaflada ku soo bandhigay Barnaamajyo ka tarjumaya muhimada ay waxbarasshadu leedahay iyo qiimaha macalinka waxayna halkaa kasoo jeediyeen gabayo , buraanburo iyo kalimado ay ku sagootinayaan Dugsiga Macalimiinta iyo Maamulka oo ay ku soo diyaariyeen luqado kala duwan sida English, Carabi iyo iyo luqadeena hooyo ee soomaaliga ah .

Gabagabadii Munaasabada ardayda waxa ay shahaado sharaf gudoonsiiyeen Maamulkii iyo Macalimiintii mudada u taagnaa sidii ay usoo gaari lahaayeen heerka ay maanta taaganyihiin iyo gudiga waxbarashada degmada iyo bahda golis baargaal oo door wayn ka qaadatay qabanqaabada xaflada











 

SHABAKADA BAARGAAL.NET

isha wararka Horumarka Calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain