Diyaarad siday mulkiilaha Kooxda Leicester City oo soo dhacday

Diyaarad siday mulkiilaha Kooxda Leicester City oo soo dhacday – Sawiro

Diyaarad helikobter ah oo siday maalqabeenka leh kooxda kubada cagta ee Leicester City ee UK, ayaa xalay kusoo dhacday Stadiumka magaaladaasi Leicester kadib ciyaar halkaasi ka dhacday.
Mulkiilaha kooxdaasi oo lagu magacaabo Vichai Srivaddhanaprabha ayaa u dhashay dalka Thailand, wuxuuna ahaa nin si weyn looga jeclaa magaaladaasi maadaama uu $57 Milyan oo dollar ku gatay naadigaasi sanadkii 2010 xili ay heysatay dhaqaale xumo, kooxdaasi ayaa sanadkii 2016 ku guuleysatay koobka Premier League.
Ganacsadahan ayaa marwalba diyaarad helikobter ah ku imaan jiray xiliga kooxdiisa ay ciyaareyso, wuxuuna diyaarada raacay kadib ciyaartii xalay dhexmartay Leicester City iyo kooxda West Ham United oo ku dhamaatay 1-1.
Qadar yar kadib diyaarada markii ay kacday ayey hadana kusoo dhacday goobta lagu xareeyo gaadiidka ee Stadiumkaasi, waxaana isla markiiba diyaaradaasi dhacday qabsaday dab xoogleh.
Illaa iyo hada lama faah faahin khasaaraha shilkan diyaarad balse waxaa la rumeysan yahay in mulkiilaha & sadex kamid ah illaaladiisa iyo duuliyihii diyaaradaasi ay ku dhinteen shilkan, walow warkan aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin.
Developed by Jago Desain