Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo ka Hadlay Hoos udhaca kuyimid ilaha dhaqaalaha gobolka Gardafuu (dhegayso)

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo ka Hadlay Hoos udhaca kuyimid ilaha dhaqaalaha gobolka Garda Fuu (dhegayso)

Gudoomiayaha Gobolka Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab (Gubsul) ayaa waraysi uu siiyay Idaacada Daljir wuxuu ka warbixiyay xaalada guud ee gobolka iyo culaysa soo food saaray sanadahan Shacabka ku dhaqan  Gobolka Gardafuul oo la daala Dhacayay  hoos udhac ku yimid ilihii dhaqaale ee gobolku uu ku tirsanaa ,sida Maydiga, Beeyada, Xabakaha  iyo kaluumaysiga  oo loo iib gaynjiray  dalka Yaman oo haatan ay dagaalo ka socdaan  iyo wadamada khaliijka .

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ayaa sheegay  in uu hoos u dhac balaaran ku yimi ilaha dhaqaalaha gobolka gardafuul oo ay ugu horayso xabkaha oo ah maydiga beeyada , xankookibka , garanwaaga , falaxfalaxa waxaana xabkaha madax u ah maydiga geedka loo yaqaan ama jagcarka kaas oo xabagta ka soo go'da marka la sifeeyo u kala baxda afar nooc , oo kala ah mushaatka , mujawalka , fas kabiirka iyo fas saqiir , iyo shootada iyo fooxa oo midwalba nooc gaar loo isticmaalo oo loo iibgeeyo run ahaantii qiima dhac ayaa ku yimi , xabagtaasi inta badan waxay u dhoofi jirtay khaliijka waxaan suuqa ugu wayn u ahaa sucuudiga 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in markii ugu horaysay xabagtii  hore ee sanadkii hore soo go'aday ay dadka u wada xaraysan tahay wali asagoo ku daray in shaqada maydigu ay bilaabanto bisha sideedaad waxay soo kala dhamaataa xaysimada oo soo dhamaada  bisha afaarad ama shanaad iyo koraadka oo  bisha lixaad ama bisha todobaad shaqadiisu soo dhamaato dhamaan waxsoo saarkaas 80% waa yaalaa suuq ma uusan helin waxaan 

gudoomiyaha gobolka gardafuu ayaa dhinaca kale ka hadlay hoosu dhaca ku yimi suuqyadii la gayn jiray wax soosaarka badda oo suuqii ugu waynaa ee lagayn jiray kaluunka uu ahaa dalka yaman hadana ay ka jiraan dagaalo taas oo sababtay in shaqadii badda ay hoos u dhacdo 60%

Gudoomiayah Gobolka Gardafuu ayaa dhinaca kale sheegay in ha'aduhu ka hawlgaan oo kaliya gobolada ku yaala dhulka fudud oo ula jeeday dhulka laamiga iyo inta ku dhaw dhaw 
Hay'aduhu dhulkan ma soo gaaraan oo dhulkan mashaariic badan ma helo deegaankanina wuxuu ku tiirsanaa dhaqaalaha labada dhinaca badda iyo xabkaha iyagiina waxaa ku yimi hoosu dhacaas
gudoomiyaha gobolka gardafuu ayaa sidoo ka warbixiyay baahiyaha caafimaad ee wali gobolka ka jira oo uu sheegay gudoomiyuhu in ay jiri doonaan hadaan la helin wadooyin 


Halkan Ka dhagayso waraysiga Gudoomiyaha oo dhamaystiran 


Developed by Jago Desain