Hub loo waday Somalia oo gacanta lagu dhigay (Warbixin)

Hub loo waday Somalia oo gacanta lagu dhigay (Warbixin)

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay baareyso Hub farabadan oo ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Maraykanka ee jooga xeebaha Somalia iyo Yemen.

Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ee faraha kula jira baaritanka Hubka ayaa sheegay inuu ka kooban yahay in ka badan 2,500 qori noociisu yahay AK-47 iyo hub kale.

Kormeerayaasha ayaa sheegay in ay cabsi ka qaban in Hubka uu u socday Somalia oo la doonayo in lagu carqaladeeyo xasiloonida ka jirta dalka.

Kormeerayaasha waxa ay tilmaameen in ay ku casumeen UN Monitoring Group October 25 si loo go’aamiyo in hubkaasi Iran u tahriibinaysay Somalia ama Yemen.

Waxa ay sheegen in Iran ay halis ku tahay xasiloonida Africa gaar ahaan Somalia iyo Yemen, waxa ayna baarayaashu shaki weyn ka qabaan in Hubka uu yahay mid kusii jeeday Somalia.

Qaramada Midoobay iyo Saraakiisha Maraykanka waxa ay tilmaameen inay si joogto ah isha ugu heyn doonaan arrinta Hubka ee Iran, waxa ayna dowlada Iran ku eedeeyen inay si sharci darro ah u tahriibinayso Hubka noocyadiisa kala duwan.

Taliyihii ciidamada Mareykanka ee 5aad Admiral Scott Stearney ayaa u sheegay Saxaafada in ay aaminsan yihiin in hubkaasi loo waday Soomaaliya,islamarkaana uu ka yimid dalka Iran.

Dhinaca kale, Kooxda Qaramada Midoobey ee Baarista wadda ayaa lagu waddaa in ay shaaciyaan maalmo ka dib hubkaasi,halka loo waday in ay aheyd Soomaaliya ama Kooxda Xuutiyiinta Yemen.
Developed by Jago Desain