Somtel iyo Djibouti Telecom oo ku shuraakoobay Fibre Optic Xawaare sare leh oo Xiriirinaya dalalka Geeska Afrika

Somtel iyo Djibouti Telecom oo ku shuraakoobay Fibre Optic Xawaare sare leh oo Xiriirinaya dalalka Geeska Afrika
Sida uu daabacay warsidaha The Daily Nation, ee ka soo baxa dalka Kenya, waxay shirkadaha SOMTEL, TE SubCom iyo Djibouti Telecom ku shuraakoobeen xadhig fibre Optic oo aan noociisu hore u soo gelin qaaradda oo xawaare aad u sarreeya leh, kaas oo xidhiidhin doona dalalka Geeska Afrika intooda badan oo uu xagga Xeebta ka soo geli doono.

Nidaamka xariggan oo qaabaysan yahay oo dhan 5400 kiloomitir, loona bixiyey Djibouti Africa Regional Express 1(DARE1), ayaa waxa uu xiriirin doonaa Djibouti, Muqdisho, Mombasa iyo magalooyin kale oo waaweyn oo gobolka ah, isaga oo halkii ilbiriqsiba bixin doona 30 Terabyte.
Shirkadda TE SubCom, oo aan loo daba fariisan tiknoolajiyadda badda hoosteeda iyo adeegyada la xiriira, ayaa iyadu qaybin doonta mas’uulna ka ahaan doonta dhigidda xarigga.

War-saxaafadeed ay saddexda shirkadood wadajir u soo saareen ayay ku sheegeen in “Mustaqbalka dhow lagu fidin doono xarigga dhulalka kale ee Soomaalidu degto iyo waddamada kale ee Geeska iyo Bariga Afrika si loo helo adeeg Internet iyo Fibre Optic awood badan oo la wada gaadhi karo”.
Waxa shirkaduhu sheegeen in awoodda wax-wada-lahaanshani soo kordhiyey ay ka mid tahay in kharaj badan loogu badbaadiyo loo-adeegaha iyada oo la isticmaalayo aqoonta sare iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee TE SubCom.
Waxa shuraakadan cusubi suurtagelin kartaa in shirkadaha bixiya adeegga isgaarsiintu si sahlan iyaguna isaga kaashaadaan isla-hadalka, gaar ahaan dhulalka Soomaalida iyo Bariga Afrika, kaas oo u sahli doona macaamiisha inay u helaan xorriyad ay ku wada xiriiraan macluumaadna isku dhaafsadaan. Waxa arrinta u fududayn doontaa in uu abuuromo jawu uu  loo-adeegaha u fura inaanu ku koobnaan isgaarsiin keli ah, uuna helo qiimayaal isaga u tartama iyo adeeg sare oo u dan ah.
Iskaashiga DARE1, waxa uu hadda ku kooban yahay Djibouti Telecom iyo SOMTEL.
XIRIIRINTA
DARE1 waxa uu u qaabaysan yahay min saddex xarig oo mataano ah, oo halkii mataanba bixinayo ama laga helayo 150 maxadadood oo la awood ah 100 Gb/ilbiriqsigii.
Xariggu waxa uu ku xirmayaa, isaga oo adeegsanaya nidaamka caalamiga ah, kuwa kale ee Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya.
Developed by Jago Desain