Kalluumaysatada maxaliga ah ee Degmada Baargaal oo ka cabanaya maraakiib jariif xoogan ka wada xeebahooda

Kalluumaysatada maxaliga ah ee Degmada Baargaal oo ka cabanaya maraakiib jariif xoogan ka wada xeebahooda

Kalluumaysatada maxaliga ee Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ayaa Cabasho xoogan Kamuujiyay maalmahan Maraakiib Jariif ah oo Kaluumaysatada Deegaanka Dhibaato xoogan kuhaya 

maraakiibtaas jariifka ah ayaa soo dhaafay xadkii ay horay u joogi jireen ayagoo maamlman u soo gudbay   meeilihii dadka kalluumaysatada ay shabaagaha dhigan jireen  waxayna  ka burburiyeen kana jiiteen shabaagihii  iyo jilbihii iyo agabkii  kale ay kaluumaysato dhigteen xeebaha 

Yuusuf Salaad C/raxmaan oo kamid ah horjoogayaasha kaluumaysatada Maxaliga ah oo warbaahinta La hadlay ayaa Sheegay in bulshada kunool magaalada Baargaal iyo soonaheeda inay ka cabanayaan kana caraysan yihiin  jariifka oo xaalufin ba’an ku haya deegaanka  kana soo gudbay xadkii loogu talogalay oo u soo gudbay meelihii kalluumaysatada maxaliga ah ay ka jilaaban jireen, wuxuuna intaasi ku daray 

“Marka waxaan u sheegaynaa oo ka codsanaynaa dowladda iyo cidii waraaqaha soo sii-say waliba gaar ahaan wasaaradda kalluumaysiga in ay la hadasho dadkii ay wax siisay oo ay tiraahdo ka durka meelaha kalluumaysatada maxaliga ah ay ka jilaabtaan.” 

ugu danbeentii wuxuu  maamulka Puntland iyo dawlada fedraalka iyo caalamkaba  sheegay inay ka Codsanaayaan in arinkaan Si Deg deg ah Wax looga qabto. 

Maraakiibtaan Jariifka ah ayaa haatan Ku sugan Meel aad ugu Dhow Xeebta Magaalada ayadoo ifka Kabaxaaya uu kaahiyo Magaalada.

Developed by Jago Desain