Wasiirka Waxbarashadda XFS oo la kulmay Madaxa hay’adda DFID

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay, madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Mr, Phil Evans. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay siddii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya hay’adda DFID iyo wasaaradda waxbarashada, gaar ahaan tageerada waxbarashada. Wasiirka waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxa DFID uu sharaxaad ka siiyay guulaha laga gaaray qorshaha mideynta manhajka, shahaadooyinka iyo imtixaanaadka. Mr Dhil ayaa tilmaamay in dowladdiisa iyo hay’adda uu madaxda ka yahay ay ka go’an tahay siddii loo kordhin lahaa tageerada waxbarashada. Wasiirka waxbarashada iyo madaxda hay’adda DFID ayaa isku afgartay in la sii xoojiyo iskaashiga, isla markaana farsamo yaqaanada Wasaaradda iyo DFID ay u kulmi lahaayeen siddii ay hawlaha iyo qorshayaasha ka dhexeeya uga midho dhalin lahayeen. Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay tayeynta waxbarashada dalka iyo kor u qaadida tababarada macalimiinta.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay, madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Mr, Phil Evans.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay siddii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya hay’adda DFID iyo wasaaradda waxbarashada, gaar ahaan tageerada waxbarashada.
Wasiirka waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxa DFID uu sharaxaad ka siiyay guulaha laga gaaray qorshaha mideynta manhajka, shahaadooyinka iyo imtixaanaadka.
Mr Dhil ayaa tilmaamay in dowladdiisa iyo hay’adda uu madaxda ka yahay ay ka go’an tahay siddii loo kordhin lahaa tageerada waxbarashada.
Wasiirka waxbarashada iyo madaxda hay’adda DFID ayaa isku afgartay in la sii xoojiyo iskaashiga, isla markaana farsamo yaqaanada Wasaaradda iyo DFID ay u kulmi lahaayeen siddii ay hawlaha iyo qorshayaasha ka dhexeeya uga midho dhalin lahayeen.
Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay tayeynta waxbarashada dalka iyo kor u qaadida tababarada macalimiinta.
Developed by Jago Desain