Akhriso: Isimada Puntland iyo murashixiinta oo kulan albaabada u xiran yihiin ku yeeshay guriga islaan ciise

Akhriso: Isimada Puntland iyo murashixiinta oo kulan albaabada u xiran yihiin ku yeeshay guriga islaan ciise


Isimada Puntland iyo qaar badan oo kamid ah murashixiinta madaxtinimada puntland iyo gudiga ay isimada puntland u saareen doorashada , guddiga khilaafaadka iyo laamaha amniga ayaa kulan albaabada u xiranyihiin waxay ku yeesheen guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed ee magaalada Garowe caasimada Maamul Goboleedka Puntland.

Kulankaan ayaa naloo sheegay inuu ahaa kulankii labad oo ay isimada soo jireenka ah ee Puntland la yeeshaan musharaxiinta u taagan Madaxtinimada Puntland waxaana looga hadlay Arimaha Doorashooyinka Gaar Ahaan habka ay dawladu u maaamulayso doorashada gaar ahaan xulsta barlamaanka oo uu walaac badan uu kayimid xaga musharaxiinta oo ku eeday xukuumada hada talada haysa inay faragalin ba'an ku hayso qaabka loo soo xulaayo xildhibaanada barlamaanka cusub

Musharaxiinta U taagan Madaxtinimada Puntland ayaa sidoo kale laga sheegay inay cabasho ka gudbiyeen ciidamada loo xilsaaray amniga doorashada oo ay sheegeen inay qaar kamid ah murashixiinta u gaysteen caga juglayn

kulamadan ayaa imaanaaya kadib markii ay shalay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada golaha wakiilada Puntland, ay shaaciyeen inuu dhamaaday qabashadii Araajida iyo qaabilaada beelaha ay ku imaan jireen xarunta golaha wakiilada Puntland, halkaasoo ay ka socotay shaqo baaxad leh oo beelaha lagu qaabilyay.

Guddigu wuxuu sheegay shaqadooda inay soo dhamaatay maalintii khamiistii oo ay ku taariikhdu ku beegnayd 20-ka bishaan december. wuxuuna guddigu cadeeyay inuusan aqbalidoonin cid dambe.

Hase ahaatee, guddigu wuxuu sheegay inay uyeerayaan cidii guddigu ubaahdo ee wax qabyo ka yihiin.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain