Madaxwayne C/wali Gaas oo ku Ballan furay Bulshada Gobolka Gardafuu

Madaxwayne C/wali Gaas oo ku Ballan furay Bulshada Gobolka Gardafuu

Bulshada ku dhaqan Gobolka Gardafuu waxay aad ugu caroodeen aadna uga xumaadeen qaabkii loo soo dhisay Maamulka uu madaxda ka yahay Prof. C/Wali Maxamed Cali Gaas, Beesha Degta Gobolkaasi wax Xil ah oo muhiim ah kama helin xukuumaddihii la soo dhisay Ayagoo horay u tabanaayay cadaalad darro xagga qaybinta jagooyinka dowladda Puntland.

Iyadoo Beesha Degta gobolkaas ay ka mid tahay beelahii assaaska u ahaa dhismaha daludug 1998 , kana mid ahayd beelihii taageeray isbadalka,haddana qiimo gaar ah kama helin markii uu madaxweynuhu soo dhisaayay golayaashiisa dawlada .

Xilligii uu Madaxwayne C/wali Gaas uu socdaalka ku bixinaayay Gobolada Puntland wuxuu noqday madaxwaynihii kowaad ee laamiga dhinacaas uga dega, oo Degaanada Calbari iyo gobolka Gardafuu booqasho ku taga

Booqashadii taariikhiga ahayd madaxwayne GAAS waxaa uu socdaal ku maray degmooyin iyo tuulooyin Badan wuxuuna kala kulmay soo dhoweyn kal iyo lab ah waxayna u muujiyeen Bulshada Deegaanadaasi laab furnaansho ugu dambayntiina waxuu madaxwaynuhu soo gaaray Degmada Baargaal oo Halbowla u ah Deegaanadaasi waxaana lagaga hor yimid soo dhoweyn iyo caleemo qoyan meel magaalada ka durugsan wuxuuna madaxwaynuhu Magaalada Baargaal kula kulmay odayaasha iyo waxgardka Deegaanka waxayna kawada hadleen sida ugu wanaagsan ee bulshada Deegaankaasi ku dhaqan ay xaqii ay dawlada ku lahaayeen loo siin laha Madaxwayne Gaas na wuxuu ballan qaday inay wax badani isbedelayaan oo khaldkii dhacay la sixi doono.

waxa kaloo ay isla meel dhigeen waxqabdkii dawlada oo aan deegaanadaasi soo gaarin sidii loosoo gaarsiin lahaa iyo sidii mashaariic horumarineed looga hirgalin lahaa Deegaanka iyo sidii loo dhisilahaa wadooyin muhiim ah sida wadad iyo sidii loo kicin laha gobolka gardafuu

Soo dhoweyntii GAAS ee Gobolka Gardafuu waxay ugusoo idlaatay jawi wanaagsan iyo mid nabadeed.

Bulshada Deegaankaasi waxay ku seexdeen ballanqaadkii Madaxwayne C/wali Gaas ileen madax meel ka sarayaa oo la taabtaa majirto , balse intii kadanbaysay taariikhdaas wax kasoo naasa caddaaday ballan qaadkii Madaxwayne gaas ma muuqdaan Hadaba ma wuxuu ahaa safarkii GAAS Bulshada Deegaanadaasi ugu tagay mid iidheh ah oo madaxwaynuhu wax dan ah uma wadin dadka ku dhaqan Deegaanadaasi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas kama dhabayn balanqaadyadii uu u sameeyay Bulshada Gobolkaas oo ka dhuur sugaayay Madaxwaynaha 

madaxwayne C/wali maxamed Cali gaas wuxuu bulshada deegaanka u ballan qaaday marar kala gadisan  ceelal biyood , wadooyin iyo waxqabad kale oo badan oo aan wali la garanayn goorta uu fullin doono madaxwayne Gaas Ballanqaadyadaas  waxayna u muuqataa in dawlada madaxwayne C/wali gaas  ku dhaqmayso oraahdii ahayd 'Qowda maqashii waxna ha u qaban'

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Email: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain