SAWIRO:Madaxweynaha Puntland oo daah furay barnaamijka dhaq dhaqaaqa Caafimaadka Haweenka Aduunka oo Puntland ka furmay

SAWIRO:Madaxweynaha Puntland oo daah furay barnaamijka dhaq dhaqaaqa Caafimaadka Haweenka Aduunka oo Puntland ka furmay

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 29 January 2019 daah furey Shirweynaha Dhaqdhaqaaqa Caafimaadka Haweenka Adduunka oo markii ugu horaysey ka furmay Africa gaar ahaan dowlad goboleedka  Puntland ee Soomaaliya.

Shirweynahan oo ka qabsoomay caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowlad goboleedka Puntland, bahda caafimaadka Puntland, siyaasiyiin, Murwada Madaxweynihii hore ee Puntland Pro. Hodon Saciid Ciise, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey shirweynaha Kaalinta Dhaqdhaqaaqa Caafimaadka Haweenka Adduunka in markii ugu horaysey Africa lagu qabto gaar ahaan dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa sheegay in barnaamijkan kor u qaadayo kaalinta hogaamineed ee haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan arrimaha caafimaadka.

”Waxaan ku faraxsanahay inaan shirkan idin kala soo qayb galo, waxaan dhiiri gelinaynaa in caafimaadkeena uu sare u koco, waxaan dhiiri gelinaynaa in dumarkeenu hogaanka dalka ay qayb ka ahaadaan, inay goobjoog ka ahaadaan madal walba oo lagaga arrinsanayo siyaasadda, haweenka Soomaaliyeed meel walba saamayntooda waa ay leeyihiin”. Ayuu yiri Madaxweynaah Puntland.

gu danbeyn, Madxaweynaha Dowlad goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabullaahi Deni ayaa sheegay in haweenka ay yihiin laf-dhabarta nolosha bini aadamka, islamar’ahaantaana haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa marwaliba ugu saamynta badan nolosha %70 taasoo ay ku mutaysteen wakhtiyadii iyo dhibkii faraha badnaa ay kasoo samata bixiyeen Alle ‘SWC’ ka sokow qoysaskooda.





Developed by Jago Desain