Tartan Aqooneed loo soo gabagabeeyay Ardayda Dugsiga sare ee Baargaal (Sawiro)

Macalimiinta iyo maamulka Dugsiga sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal Ayaa maanta u soo afmeeray Ardayda wax ka barata Fasalada Dugiga sareTartan mudo u soo soconayay oo ay isku arkayeen Groubyo ka wada tirsan fasalada dugsiga sare .

Munasabad ka dhacday Xarunta Dugsiga ee Magaalada Baargaal ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan, Maamulka Sare ee Iskoolka, Macalimiinta iyo Warbaahinta.

Waxaa halkaasi ka dhacay Tartankii ugu dambeeyay Tartan aqooneedka kooxahaas isku ar arkayeen kaas oo dhexmaray Labada Koox ee kala watay magacyada SUNSHINE iyo KARAAMA Group

Maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaaal Macalin maxamuud muumin  ahna gudoomiyaha gudigii waday Tartan aqooneedkan ayaa sheegay in muhiimadu aheyd sidii Ardaydan ugu mashquuli lahaayeen Duruusti ay qaateen, taasna ay ku guuleysteen ka maamul ahaanna ay ku faraxsan yihiin heerka gaba gabada ah ee uu tartankan soo gaaray.


waxaa sidoo kale hadalo dhiirigalin iyo bogaadin isugu jira u jeediyay arday sii hayaha xilka gudoomiyaha Degmada Baargaal xildhibaan c/raxmaan Maxamuud saalax , gudoomiaha waxbarashada degmada Baargaal C/raxaamn siciid cismaan gudoomiayaha guddiga waalidiinta Cumar siciid sharmaake iyo gudoomiyaha gudiga waxbarashada sheekh bootaan muuse

Waxaa bilowday Tartankii labada Koox waxaana la weydiiyay Koox walba Su’aalihii ay xaqqa u laheyd taas oo sababtay in koox ka mid ah labada koox ay garan weydo Su’aal la weydiiyay taas oo guushii loogaga qaaday.

Maamulka Iskoolka ayaa ku dhawaaqay Kooxda Guushu raacday iyagoo sheegay in kooxda SUNSHINE  ay guushii raacday kaalinta labaadna ay soo gashay Kooxda Karaama

Maamulaha Guud ee Iskoolka Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal ayaa soo afjaray Xaflada gudoonsiiyayna koob qurux badan ardayda guulaysatay ee kooxda SUnshine waxaana sidoo kale lagudoonsiiyay abaalmarino kooxihii galay kaalinta labaad iyo kaalinta sadexaad 


Shabakada Baargaal.net
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari .
Baargaal@gmail.com





















Developed by Jago Desain