Xagee maraysaa soo magacaabista Golaha Wasiirada Puntland?

Xagee maraysaa soo magacaabista Golaha Wasiirada Puntland?

Magaalada Garoowe ee caasimada  Puntland, waxaa Siwayn isha loogu hayaa magacaabista golaha wasiirada cusub ee Puntland, Iyadoona uu dhowaan Wakhti dheeri ah cosaday Madaxwayne DENI.

Durba waxaa tegey todobaad kamid ah labadii todobaad ee Madaxweyne Deni loogu daray inuu kusoo magacaabo golihiisa wasiiradda.

Madaxweynaha ayaa hadda soo afmeeray wadatashigiisii u danbeeyey ee uu kusoo dhisayo golihiisa wasiirada wuxuuna joojiyey booqashooyinkii iyo qaabilaadii loo samaynayey beelaha, siyaasiyiinta kursi doonka ah iyo bulshada rayidka ah intaba.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha ay codsiyadooda u gudbisteen in ka badan 600 oo qof oo doonaya wasiirnimo, wasiir kuxigeen, iyo Wasiiro Dawle waana tan keentay in wkahtigii oo aan dhamaan la xakiyo booqashada Madaxtooyada si codiyadu inta hada taala ugu ekaadaan.

Ugu badnaan 16 Wasiir, Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiro Dawlayaal ayaa lagu wadaa inuu ugu danbayn subaxa sabtida ah ku dhawaaqo Madaxweyne DENI inkastoo ay wax iska badali karaan.
Developed by Jago Desain