Saraakiil ka socota Midowga Yurub oo shir kula yeelanaya Boosaaso mas’uuliyiinta Puntland



Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari waxaa Maanta ka socda Shir ay leeyihiin Saraakiil ka socota Midowga Yurub ee la-dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad goboleedka Puntland

Saraakiisha ka socota Midowga Yurub ayaa saakay waxaa Dekada Magalada Boosaaso keenay Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada la-dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida, waxaan wararka la helayo ay sheegayaan in shirka ay ilaalo ka yihiin diyaarado,kuwaas oo lagu arkayo hawada Magalada Boosaaso.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegeen in shirka diirada lagu saarayo sidii Puntland iyo Saraakiisha Midowga Yurub isaga kaashan lahaayeen la-dagaalanka burcad Badeeda iyo ilaalinta Maraakiibta kusoo xirata dekadda Magalada boosaaso.

Kulanka oo ay Saxaafada dibad-joog ka tahay ayaa ah kii ugu horeeyey oo noociisa oo kale uu ka dhaco Magalada Boosaaso,waxaana xusid mudan in Xeebaha dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin Maraakiib Shisheeye oo qaarkood ka kalluumeysta qaarna ay yihiin kuwa Midowga Yurub ee la-dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.
Developed by Jago Desain