Askari Ka Tirsan Ciidamadda Puntland oo Askari Kale Ku Dhex Dilay Xerada Ciidamada Pmpf Ee Boosaaso


Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaa saaka Magaaladaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Badda Puntland.

Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Xassan Mire Jeceel, ayaa sida la sheegay waxa taliska PMPF ee duleedka magaalada Boosaaso ku dhex dilay, askari kale oo isla ciidankaasi ka tirsan, kadib markii ay murmeen.

Askariga dilka gaystay ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada kale ee xerada ku sugnaa, waxaana lagu haayaa Xerada Ciidamada dhexdeeda.

Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland wali kama aysan hadlin dilkaan loo gaystay askariga ee xerada lagu dhex dilay.
Developed by Jago Desain