Booliiska Puntland oo weeraray guriga uu leeyahay taliye ku xigeenkii hore ee Boliiska gobolka Bari


Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa sheegaya ciidamada Booliiska Puntland ay duhirnimadii maanta hareereeyeen guriga taliye ku xigeenkii hore ee Boliiska gobolka Bari G/dhexe Axmed Abshir Axmed Jaraale kadib uu diiday in uu wareejiyo hub dowladdu leedadahay.

Ciidamada Booliiska oo wata gaadiidka teknikada iyo ilaalada sarkaalkan ayaa mudda saacado ah is horfadhiyay waxaana halkaasi laga maqlayey rasaas goos-goos ah inkastoo markii dambe si nabdoon loo kala qaaday labadii ciidan kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay goobta gaareen.

Mas’uuliyiinta goobta tegay waxa kamid ah wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan taliyahay Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse iyo wasiirkii hore Amniga Puntland Gen Cabdullaahi Siciid Samatar kuwaasi oo ku guulaystay in la joojiyo dagaal halkaasi ka dhaca.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha Booliiska Puntland uu marar badan sarkaalkan ku amray in uu soo wareejiyo hub dowladdu leedahay oo uu gurigiisa geystay mudadii uu xilka hayay balse uu diiday in uu wareejiyo.

G/dhexe Jaraale oo ahaa taliye ku xigeenka ahna ku simaha taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari ayaa xilkaasi laga qaaday 23 bishii Maarso ee sannadkan kadib markii taliye cusub loo magacaabay qeybta gobolka Bari
Developed by Jago Desain