Eng. Maxamuud Xaaji Saalax biriishkolo oo ku guulaystay gudoomiye ku xigeenka labaad ee dalalka Bariga Africa ku mataalaan African Union dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha

gudoomiye ku xigeenka labaad ee dalalka Bariga Africa ku mataalaan African Union dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha

Kursiga gudoomiye ku xigeenka labaad ee dalalka Bariga Africa ku mataalaan African Union dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha sida (Energy, Water, ICT and Transportation) ayay Soomaaliya ku guulaysatay. 


Kursigaan waxaa loo doortay Eng. Maxamad Xaaji Saalax biriishkolo oo  horay u soo noqday wasiirkii beeraha dawlad giboleedka puntland 

Eng Maxamud xaaji ayaa qoraal uu bartiisa Facebooka soo dhigay ayuu sidatan ku sheegay.

JABUUTI, ITOOBIYA IYO KOONFURTA SUDAAN OO CADEYSTAY MOWQIFKOODA.


Wadamada leysku yiraahdo Eastern African waxey ka kooban yihiin 13 dal waxayna xaq u leeyihiin in ay hal kursi oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ku mataalaan African Union dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha sida (Energy, Water, ICT and Transportation) Kursigaas waxaa ku fadhiyay dowlada itoobiya oo mudadii ay haysay ay u dhamaatay. Waxaa la soo bandhigay cida mataleysa inta badan wadamada eastern Africa wey isa soo sharxeen si ay ula wareegaan kursigaas ay itobiya ku fadhiday. Waxaa isku soo haray Somalia iyo Kenya. Waxaa go,aan lagu gaaray in soomalia iyo kenya la siiyo 30 daqiiqo oo ay ku wada hadlaan inta aan codka loo qaadin, codsigaasna waxuu ka yimid dowlada kenya. 

Kenya waxey shirka ku joogeen 3 qof waxaan aniguna codsaday in kenya ay iska soo xulaan hal qof si aanu u wada hadalno. Waanu ku heshiin weynay. Dib ayaanu ugu noqanay in wadan walba uu kaambeyn ka sameeyo sidii loo dooran lahaa. 

Ilaah baa mahad leh waxaan ku guuleystay in soomaaliya ay noqoto hormuudka wadamada Eastern Afrika isla markaana ah gudoomiya ku xgeenka labaad ee African Union dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha. 

Doorashada waxey aheyd mid qarsoodi ah in kastoo ay sedexdaa wadan oo kala ah Jabuuti, Itoobiya iyo koonfurta Sudaan ay cadeysteen in ay tageero u hayaan Soomaaliya waxeyna igala qeyb galeen kaambeynka xulashada hogaanka Eastern African dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka labaad African Union dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha. 

Waa guul u soo hoyatay dhamaan umadda Soomaaliyeed
Developed by Jago Desain