Dugsiga Dugsiga sare Muntadda Burtinle oo ku guulaystay koobkii Barnaamijka Tartan& Tacliin


Dugsiga sare Muntadda Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa caawa ku guulaystay koobka Barnaamijka tartan aqooneedka ah ee Tartan iyo Tacliin ee ka socday bishii ramadaan idaacada Radio Daljir.

Dugsiga Muntadda Burtinle ayaa 6 dhibcood kaga guulaystay dugsiga Dalmar ee degmadda Baraagaha qol ee gobalka Haylan, Halka dalmarna ay keneen 0,taas oo ka dhigan in horyaalka Barnaamijka sanadkan 2019 ee Tartan iyo Taclin ay yihiin Dugsiga sare Muntadda Burtinle.

Tartanka oo ahaa Caawa mid xiiso leh ayaa waxaa ka qayb galaya madax ka socota Dowladda Puntland iyo qaar kamid ah shirkaddaha maalgalinayeey Barnaamijka Tartan iyo Tacliin. 


 Dugsiga sare ee Baargaal secondry School ee gobolka Gardafuu ayaa kaalinta saddexaad ka galay barnaamijka tartan iyo tacliin oo ay ku hardamaan sanad walba dugsiyada sare ee Puntland.





Developed by Jago Desain