DEGDEG: Kooxo Hubeysan Oo Gaalkacyo Ku Dilay Suldaan Caan Ahaa

Kooxo Hubeysan Oo Gaalkacyo Ku Dilay Suldaan Caan Ahaa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in goordhow ay dil ka geysatay Koox Bistoolado ku hubeysan, kuwaaso toogashada kadibna goobta isaga cararay.

Sida wararku sheegayaan dilka oo ka dhacay Koofurta magaalada oo ay ka arrimiso Galmudug, ayaa loo geystay Suldan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah saladiinta gobolka mudug sida weyn looga yaqaano.

Marxuumka oo la toogtay Salaadii Cishaha kadib, waxaa dhowr xabadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirka, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo, iyadoo markii danbena ay meydkiisa qaateen ehelkiisa.


Ciidamada amaanka ee Galmudug ayaa durba gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgal baaritaano ah, wallow ay ku guul dareysteen iney gacanta ku soo dhigaan raggii dilka ka danbeeyay.

Suldan Cabdullaahi suldaan Cabdiraxmaan ayaa sanadkii hore ee 2018 lagu Caleema saaray deegaanka Bacaad weyn ee Koofurta gobolka Mudug, waxaana la toogtay isagoon Sanad buuxa eheyn Suldaan.
Developed by Jago Desain