Duqeyn Xoogan Oo Ka Dhacday Gobolka Bari

Duqeyn Xoogan Oo Ka Dhacday Gobolka Bari

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhaafay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Bari ee Dawlad goboleedka Puntland.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday agagaarka degmada Iskushuban oo ay ku xoogan tahay kooxda Daacish.

Ma cadda khasaraha ka dhashay duqeyntaasi, lamana oga illaa iyo hadda cida fulisay weerarkaasi dhanka cirka ah.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan duqeyntaasi.

Dhanka kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad ilaalo u ah koox Tahriibka ka shaqeysa oo ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Puntland oo wata gaadiidka dagaalka ay weerareen maleeshiyaadkan oo xarun ku lahaa deegaanka Mareero ee gobolka Bari.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 2 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdani lagu tuhmay dil shalay askari ka tirsanaa ciidamada Puntland loogu gaystay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan dagan, basle ciidamada Puntland ayaa la wareegay gabi ahaan goobihii lagu dagaalamay
Developed by Jago Desain