Madaxweynaha Puntland Oo Xilka Ka Qaaday Agaasimihii Ciidanka Badda Puntland ee PMPF

Madaxweynaha Deni Oo Xilka Ka Qaaday Agaasimihii Ciidanka Badda Puntland

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Agaasimihii ciidanka Badda Puntland ee ee PMPF Cabdiraxmaan Xaaji Xassan, isaga oo Magacaabay Agaasime Cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Siciid Deni oo aan weli Warbaahinta loo soo bandhigin ayaa waxaa xilka Agaasimaha Ciidanka Badda Puntland ee ee PMPF loogu Magacaabay Cabdi Rabbi Cismaan Maxamed.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa uu wday isbeddelo dhanka Hay’adaha Maamulkiisa ah,waxaana uu dhawaan Magacaabay Agaasimayaal iyo Hanti dhowrka Guud ee Puntland.
Developed by Jago Desain