Akhriso: Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Boosaaso iyo khasaare ka dhashay

Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Boosaaso iyo khasaare ka dhashay

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goor dhoweyd halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah marayay hotel Boosaaso hortiisa waxaana dhaawacyo fudud ka soo gaareen laba askari oo saarnaa gaariga qaraxu gaaray sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga Boosaaso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada askari oo dhaawacmay ay ka tirsanaayeen ciidanka badda Puntland ee PMPF.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Developed by Jago Desain