Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland oo meel uga dhacday maamulka iyo bulshada Degmada Baargaal

Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland oo meel uga dhacday maamulka iyo bulshada Degmada Baargaal

Wasaarada Arrimaha Gudaha Federal ka iyo Dimuqradiyeynta Dawlad Goboleedka Puntland ayaa meel uga dhacday maamulka iyo bulshada Degmada Baargaal oo degmo qadiimo ah oo ka facwayn maamulka puntland 

wareegto ay soo saartay wasaaradu  oo ay ku sheegtay  wakhtiga la dhisaayo golayaasha deegaanka 7 degmo oo ka mid ah degmooyinka Puntland.

Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo Degmada Baargaal hoos ugu  dhigtay degmo derejadeedu tahay  Heerka C ee Heerarka Degmooyinka , halka ay horay u ahayd Degmo Heerkeedu ahaa  B ayadoo meel la dhigtay degmooyinka Gumbax , Xarfo , Ufayn  oo ka kala tirsan gobolada Gardafuu bari iyo Mudug

Masuuliyiinta cusub ee wasaarasa arimaha gudaha ayaa meel uga dhacay qorshayaasha iyo nidaamkii u degsanaa wasaarda taas oo tilmaamaysa heerka musuqmaasuq ee ka jira wasaaradaasi

Degmada Baargaal oo ay wasaaradu hoos u dhigtay heerkeeda derejo ayaa waxay aqoonsiga degmanimo heshay dhammaadkii 1980aadkii, xiligii dawladii soomaaliya ee madaxwaynaha ka ahaa allaha u naxariistee siyaad barre

Wasaaradu sidoo kale kama warhayso sida goaankeeda ka muuqata in degmada Baargaal uu ka shaqeeyo nidaamka dawladda. Oo si dhab ah waxaa u shaqeeya xafiisyada dawladda hoose, maxkamadda degmada, saldhiga booliska iyo laamaha canshuur qaadista waxaa xafiisyo ku leh wasaaradaha maaliyada , kalluumaysiga , caafimaadka , waxbarashada 

Wasaarada arimaha gudaha puntland oo lagu tilmaamo wasaaradaha ugu musuqaasuqa badan puntland ayaan la aqoon qorshaha u degsan iyo waxa keenay in talaabadaasi ku kacaan








Developed by Jago Desain