Wasiirka Amniga #Jubbaland oo lagu xiray Magaalada Muqdisho

Wasiirka Amniga Jubbaland oo lagu xiray Magaalada Muqdisho

Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) ayaa waxaa maanta lagu xiray Magaalada Muqdisho, xilli uu ka mid Magaalada Kismaayo, kuna sii jeeday Magaalada Addis Ababa.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa waxaa lagala degay diyaaraddii uu la socday oo Transit ku ahayd Garoonka Aadan Cadde, ka dib markii ay diyaaradda kor u fuuleen Saraakiil Booliska Somaliya ka tirsan.

Saraakiisha oo Wasiirka u sheegay inay wareysi kooban la yeelanayan ayaa waxaa dhacday in soddon daqiiqo ka dib loo sheegay inaanu meelna u socon, shaqaalaha diyaaradana lagu wargelinayo inay safarkooda horey u sii wataan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasiirka Amniga Jubbaland loo haysto dilka afar qof oo rayid ah afar sano ka hor loogu gaystay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ka dib markii lagala baxay xabsigii ay ku xirnaayen. Dadkaasi ayaa loo soo xiray tuhun ku aadan inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, inkastoo aan arrintaasi wax cadayn ahi loo hayn.


Xeer Ilaalinta ayaa eedeymo ku soo oogtay C/rashiid Xasan C/nuur, Wasiirka Amniga Jubbaland, ka dib codsi kaga yimid Taliska Booliska Somaliya, oo ku aadanaa in ninkaasi ay soo eedeeyeen ehelada afartii ruux ee lagu dilay Degmada Doolow, kuwaa oo dilkoodu uu dhacay 31-kii bishii August ee sanadkii 2015.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa bishii April warqad ay soo saartay kaga bari yeeshay C/rashiid Janan in wax lug ahi uu ku leeyahay eedeymihii loo soo jeediyay.

Tallaabada xilligan lagu xiray Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa waxaa loo arkaa mid qayb ka ah khilaafka xoogan ee Dowladda Federaalka Somaliya kala dhaxeeya Maamulka Jubbaland.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Magaalada Muqdisho ay ka socdaan dadaalo lagu doonayo in dib xoriyadiisa loogu siiyo Wasiirka Amniga Jubbaland, si aanay kaga sii darin khilaafka labada dhinac.

Tani waxay ku soo aadaysaa, xilli Dowladda Federaalka Somaliya ay Khamiistii soo saartay awaamiir ku aadan diyaaradaha tagga iyo kuwa kale ee ka imaanaya Magaalada Kismaayo, looga baahan yahay inay soo maraan Magaalada Muqdisho.
Developed by Jago Desain