Angela Merkel Oo Qorshe Cusub U Soo Jeedisay #Maraykanka Iyo #Iiraan

Angela Merkel Oo Qorshe Cusub U Soo Jeedisay Maraykanka Iyo Iiraan


Ra’isul wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in wadada kaliya ee lagu xalin karo xiisada u dhaxeysa Washington iyo Iiraan ay tahay in loo laabto heshiiska Nuclear-ka ee sanadkii 2015-ka.
Midowga Yurub wuxuu aaminsan yahay in heshiiskan uu ka hor istaagi karo Iiraan in ay joojiso qalabeynta dhanka milatariga iyo in ay sameysato hubka wax gumaada ee Nuclear-ka, sidaasi darteed waa in aan u laabanaa heshiiska ayey tiri Markel.
Hadalkaan ayey ka sheegtay shir Jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Berlin oo talaadada maanta ah ay kula kulantay boqor Cabdalaha dalka Jordan.
Ra’isul wasaaraha Jarmalka ayaa dhanka kale xustay in dalkeeda uu doorbidayo in hab diblumaasiyadeed loo xaliyo qilaafka xiisada ka taagan bariga dhexe oo u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.
Developed by Jago Desain