Madaxweynaha Afghanistan oo qarax ka badbaaday (SAWIRRO)

Madaxweynaha Afghanistan oo qarax ka badbaaday (SAWIRRO)

Madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani ayaa maanta ka badbaaday weerar ismiidaamin ahaa, ka dib markii la bartilmaameydsaday goob ay ka socotay olole doorasho, oo ku taala Magaalada Charikar ee Gobolka Parwan.

Madaxweynaha Afghanistan oo goobta uu qaraxu ka dhacay ku sugnaa ayaa la sheegay in uu ka badbaaday, balse waxaa ku geeriyooday lix iyo laaban ruux oo carruur iyo haween u badnaa.

Nin la socday dhugdhugley ayaa la sheegay in uu soo galay goobta uu ololaha ka waday Madaxweynaha Afghanistan, deetana uu ku dhiiraday in uu isu qarxiyo dadkii halkaasi isugu soo baxay.

Saraakiisha Dowladda Afghanistan ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in Madaxweyne Ghani uu ka badbaaday weerarkaasi, isla-markaana uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghanistan oo lagu magacaabo Nasrat Rahimi ayaa xaqiijiyay in dhimashadu tahay lix iyo labaatan qof, oo afar ka mida ay askar yihiin, halka dadka dhaawacmayna ay tiradoodu sii caga cageynayso afartan qof.

Saraakiisha caafimaadka ee Gobolka Parwan ayaa waxay sheegeen in dadka ku dhintay qaraxa ay u badan yihiin carruur, waxay kaloo sheegeen in dhimashada ay ka badan karto tirada iminka laga warqabo.

Dhanka kale qarax kale ayaa ka dhacay Magaalada Kabul, meel u dhow dhisme dowladeed. Qaraxan ayaa ka dhacay saldhiga tababarka ciidamada Afghanistan, oo kaabiga ku haya Safaaradda Mareykanka ku leeyahay Caasimadda Afghanistan.

Masuuliyadda qaraxyadan ayaa waxaa sheegtay Ururka Taliban oo toddobadkan muujiyay, sida uu kaga careysan yahay joojintii uu Mareykanku joojiyay in guul laga gaaro wada-hadalo in muddo ahba uga socday dalka Qatar. Ka bixintaanka Mareykanka ee wada-hadaladaasi ayaa yimid markii dalka Afghanistan lagu dilay mid ka mid ah askarta Mareykanka ee dalkaasi ku sugan.

Daba-yaaqada bishan ayaa waxaa lagu wadaa in dalka Afghanistan ay ka dhacaan doorashooyinka guud ee dalkaasi. Dadka reer Afghanistan ayaa ka walaacsan in Ururada Taliban & Daacish ay carqaladeeyan doorashooyinka.






Developed by Jago Desain