Maydka wiil dhalinyaro ah oo laga helay Xeebta Jazeera

Maydka wiil dhalinyaro ah oo laga helay Xeebta Jazeera

Xeebta Jazeera ee duleedka dhanka
Koonfureed ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa laga helay maydka wiil dhalinyaro ahaay oo shalay galab ay qaaday Badda.

Wiilkaan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Naasir Cabdulaahi Shuute, ayaa badda ay la tagtay shalay galab, xilli ay wada dabaalanayeen dhalinyaro ay asxaab ahaayeen, waxaana la sheegay inay badda aad
u kacsaneyd.

Illaa xalay waxaa lagu guda jiray
baadigoobka maydka Marxuumka, balse saaka aroortii ayeey badda soo tuftay, waxaana lagu arkay maydkiisa halkii uu shalay badda ka galay.

Aabaha dhalay Cabdi Naasir & dad kale oo qaraabada ah ayaa ka soo qaaday maydka marxuumka badda, waxaana la qorsheynayaa in aas loo sameeyo.

Wiilashii ay isla socden, ayaa shalay waxa ay dhacdadan la wadaageen Saldhiga Booliska Degmada Wadajir, halkaasi oo lagu qoray magaca marxuumka si Oobiga Saldhiga loo galiyo.

Cabdi Naasir Cabdulaahi oo ahaay nin dhalinyaro ayaa dadkii garanaayay waxa ay sheegeen inuusan dhib badneyn,
islamarkaana uu ahaay shaqsi afgaaban, balse waqtigiisa intaasi uu ku ekaay.
Developed by Jago Desain