Madaxweynaha Dawlada Puntland oo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Gardafue.

Madaxweynaha Dawlada Puntland oo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Gardafue.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.


Madaxweynaha Maamulka Puntland Markuu arkay : Dastuurka Puntland.
Markuu tixgeliyey : Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta  Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka BariWaxaa Muuse Saalax Guuleed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Gudoomiyaashan cusub ayaa waxa ay qayb ka yihiin isbadalo iyo isku shaandhayn uu madaxweyne Denni ku samayn doono xukuumaddiisa, waxaana xilal badan laga qaadi doonaa wasiiro, agaasimayaal iyo xubno kale.
Developed by Jago Desain