XOG: Maxaa dhexmaray RW Kheyre, iyi guddiga Horumarinta gobalka Bari

guddiga Horumarinta ee gobalka Barri

Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah guddiga Horumarinta ee gobalka Bari oo ay ugu horeeyaan Isimadda dhaqanka ee mandiqadaas qaar kamid ah, waxaana kulanka joogay wasiiro katirsan Xukuumadda Faderaalka oo kasoo jeeda gobalkaas.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin mashaariicda dawladda Faderaalka ee SOomaaliya ay ka doonayaan waxgaradka gobalka Barri, waxayna xooga saarayeen qorshaha horumarinta ee gobalkaas.

Warar hoose oo ku dhaw-dhaw kulanka ayaa sheegaya in laga wada hadlay sidii loo bilaabi mashaariic horumarineed oo laga fuliyo gobalka Barri oo ay fulinayso dawladda Soomaaliya.


Mashaariicda waxaa kamid ah kuwa ay horey u balanqaaday Xukuumadda Soomaaliya, waxaana waqtigan uu ku soo beegmay waqti xasaasi ah oo ay is hayaan labada dhinac.

Wasiiradda dawladda Faderaalka ee kasoo jeeda gobalka Barri ee Puntland ayaa xooga saaraya sidii ay bulshadooda uga faa’iideyn lahaayeen arrimaha ku wajahan mashaariicda horumarineed.

Puntland & Faderaalka ayaa isku haya arrimo badan oo ay ku jiraan noocyada mashaariicda, waxaana muuqata in ay dawladda Soomaaliya xooga saarayso sidii ay bulshada u hantin lahayd.
Developed by Jago Desain