Ciidanka Puntland oo Maxaabiis kala baxay Maxkamadda Gaalkacyo

Ciidanka Puntland oo Maxaabiis kala baxay Maxkamadda Gaalkacyo

Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo malleeshiyo Beeleed hubeysan ayaa lagu eedeeyay in ay weerar ku qaadeen xarunta Maxkamadda Magaalada Gaalkacyo Puntland  kalana baxeen Maxaabiis xukun lagu riday.

Jaamac Maxamed Axmed oo ah Taliyaha qeybta Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in Ciidanka daraawiishta Puntland iyo malleeshiyo hubeysan ay weerareen Xarunta Maxkamadda ee Magaalada Gaalkacyo  xoogna ku ka xeysteen laba qof oo xukumanayaal ah.

Taliye Jaamac ayaa sheegay in Maxaabiista ay horay u xukuntay Maxkamadda Magaalada Gaalkacyo laguna helay in ay ka ganacsanayeen Khamriga.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska ee Puntland ayuu sheegay in ay ku qabteen mid ka mid ah Ciidamada daraawiishta hayeeshee ay baxsadeen labadii xukumane ee ay Ciidanka ka wateen Maxkamadda Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa ku eedeeyay Ciidamada Daraawiishta Puntland in ay qeyb ka yihiin ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya Ciidamada Booliskana ay shaqadooda ka hor istaagaan.

Weerarka ay Ciidanka Daraawiishta ku qaadeen Maxkamadda Gaalkacyo ee Puntland ayaa dhacay shalay.waxaana saaka Magaalada lagu gubay 1,500 oo Dhalooyinka Khamriga ah.
Developed by Jago Desain