DEG DEG: Xildhibaano katirsan baarlamaanka Puntland oo xilkii ka qaaday Gudoomiyaha baarlamaanka.

DEG DEG: Xildhibaano katirsan baarlamaanka Puntland oo xilkii ka qaaday Gudoomiyaha baarlamaanka.

Mudanayaal katirsan baarlamaanka Puntland oo kulan ku yeeshay xarunta golaha wakiilada ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay xilkii ka qadeen gudoomiyaha baarlamaanka Cabdixakiim Max’ed Axmed (Dhooba-Daareed), iyadoo ay mooshin kasoo gudbiyeen 44 xildhibaan oo sheegay in uu ku tuntay sharciga dalka iyo xeer hoosaadka golaha Wakiilada.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi ayaa sheegay in ay sharci tahay xilka qaadistan, isagoo sheegay in codadka baarlamaanka ay maya ugu codeeyeen gudoomiye Dhooba-Daareed.

Sidaas oo kale, wuxuu sheegay in uu jagada Gudoomiya sii heyn doono maalmaha doorashada gudaheeda, iyadoo ay tartanta musharaxiinta dib laga furi doono sida uu sheegay.

49 xildhibaan ayaa kalsoonida kala laabtay Gudoomiyaha baarlamaanka.

Qodobada kale ee xildhibaannada mooshinka keenay ay ku soo eedeeyeen guddoomiyaha, waxaa kamid ah; in uu awooddii golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale xusay in guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn.
Developed by Jago Desain