Guddiga Culimada Puntland oo iska fogeeyay Musuq Maasuq lagu soo eedeeyay


Guddiga Culimada dawlad goboleedka Puntland ee gacanta ku haya dhismaha wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo, ayaa iska fogeeyay musuq maasuq ku saabsan in ay lunsadeen qeybo ka mid ah dhaqaalihii loogu talagalay dhismaha wadadaasi.

Guddigan oo shalay looga yeeray kal-fadhiga Baarlamaanka 
Puntland ayaa eedaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo kalsoonidooda lagu dhaawacayo, iyagoo baarlamaanka usoo bandhigay sida loo maareeyay dhaqaalihii ku baxay dhismaha wadadaasi.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay guddigan in 30% ka mid ah dhaqaalaha wadada loogu talagalay in loo isticmaalay dano gaar ah, sidoo kalena gaadiidkii lasoo iibiyay wadada uusan gacanta dowladda ku jirin.

Sheekh Fu’aad Aflow oo ka mid ah guddigan ayaa baarlamaanka u sheegay in Madaxda Maamulka hadda jira iyo Maamulkii ka horeeyayba ay u gudbiyeen in lagala wareego mas’uuliyada ay hayaan balse ay diideen, wuxuu kaloo sheegay dowladdu in aysan soo dirsan hanti-dhowraheeda si uu ula socdo habka wax loo maamulayo.

Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo oo ka mid aheyd qorshihii Madaxweynihii hore ee Puntland, Mudane Cabdiweli maxamed cali Gaas, ayaan weli lagu guulaysan in la dhameystiro, inkastoo hadda meel fiican ay mareyso.

Inta la ogyahay waxaa ku baxday malaayiin doolar oo ka yimid gacanta maamulka iyo taageerada shacabka, waxaana xusid mudan in bil walba xarumaha waxbarashada iyo ganacsiga la dul saaray qidmad lacageed oo u gaar ah taakulada dhismaha wadadan.

Wadadan oo dhismaha wejigeeda hore uu yahay 90 km oo laami ah, haddii la dhameystiro wuxuu ahaan doonaa mashruucii ugu balaarnaa ee lagu dhiso hab isku tashi bulsho ah.
Developed by Jago Desain