Roob mahiigaan ah oo ay ku Diirsadeen Dadka Iyo Duunyada Oo Ka da,ay Gobolka Gardafuu

Roob mahiigaan ah oo ay ku Diirsadeen Dadka Iyo Duunyada Oo Ka da,ay


Waxaa Deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gardafuu  saacado badan oo xiriir ah ka da’ay roob mahiigaan ah, kaasoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Wararka naga soo gaaraya qaar kamid ah magaalooyinka iyo tuulooyinka deegaamada Gobolka Gardafuu  ayaa sheegaya in ay roobab mahiiigaan ah oo qaatay  mudo saacado ah ka da'een Deegaanadaas

Roobabkan ayaan geysan wax khasaare ah, , taas oo ka dhigan in Allaah raxmadiisa ugu bedelay duufaantii cabsida laga qabay in ay ku dhufato deegaanada xeebaha kuyaala 



Qaar kamid ah dadka deegaanka oo u waramay SHABAKADA BAARGAAL.NET ayaa sheegay inay Ilaahay uga mahad celinayaan naxariista iyo raxmadda uu cirka uga soo dajiyay.

deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Gardafuu ayaa in muddo ah uusan ka di in wax roob ah iyadoo maanta laga dheehan karay wajiyada bulshada ku dhaqan deegaanada Gobolka Gardafuu  sida ay ugu faraxsanyihiin nimcada eebe keenay


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Deegaanka Calbari 



Developed by Jago Desain