M/weynaha Puntland oo Diyaarad ku imaanaya Gardafuu & Gargaarka Caalamka oo ay Puntland sheegan doonto.

M/weynaha Puntland oo Diyaarad ku aadayo Gardafuu & Gargaarka Caalamka oo ay Puntland sheegan doonto.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaadkan lafilayaa in uu duulimaad diyaaradeed ku tago magaalada Caluula ee gobalka Gardafuu, halkaas oo ay ka dagi doonaan diyaarado sida gargaarka caalamiga ah ee loogu talogalay dadki ay sameeyeen Roobab duufaano watay oo ka da’ay gobalkaas, kuwaas oo kalifay in ay go’aan jidadkii sahaydu u soo mari jirtay.

Madaxweynaha Puntland ayaa raaci doona mid kamid ah duulimaadkan tooska ah ee ka dagaya Caluula, iyadoo aysan Xukuumaddiisu wali waxba ka qaban mudo ka badan 20 maalmood jidadka go`odoonsan ee gobalkaas.

Xukuumadda ayaa lagu eedeynayaa in ay ka gaabisay in ay dhaqaalo ugu yaboohdo gobalkan, iyadoo ka hesha Canshuur fara badan oo kasoo gasha Maraakiibta Jariifta ee ay Shatiyada kala duwan siisay, dad badana ayaana saluugsan jawaabta dawladda.
Gargaarka Madaxweynaha Puntland duulimaadka diyaaradeed la raaci doono ayaa iskugu jira mid ka yimi Hay’addaha taageera Soomaaliya, Shacabka Puntland oo ay culumadu soo aruuriyeen iyo mid kayimi dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland, saacado ayaa lafilayaa in uu la kulmo waxgaradka gobalka Gardafuu, gaar ahaana kan Caluula oo ay ka wada hadli doonaan baahiyaha waa weyn ee ay qabaan dadkan, waana safarkiisii ugu horeeyey ee u kutagayo gobalkaas tan iyo markii xilkan loo doortay horaantii sanadkan sii dhamaanaya.
Developed by Jago Desain