UGU YARAAN 15 RUUX OO KU DHINTAY QARAX KA DHACAY MUQDISHO

UGU YARAAN 15 RUUX OO KU DHINTAY QARAX KA DHACAY MUQDISHO

Faahfaahin horleh ayaa ka soo baxaysa Khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay Isgooyska Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay 28 qof  oo u badan dad shacab ah, gaar ahaanna arday jaamacadeed ayaa ku dhintay, 42 kalena waa ku dhaawacmeen qarax, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gaadiidka Gurmadka deg deg ah iyo goobaha Caafimaadka Muqdisho.
Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahha duqa
Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish  oo gaaray goobta qaraxaasi ka dhacay, ayaa warbaahinta u sheegay, in ilaa 90-meeye qof dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa, inkastoo uusan faahfaahin ka sii bixin.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in qaraxa ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaari xamuul ah uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaray mid kamid ah gaadiidka dadweynaha (Bas) ay saarnaayeen ardayda wax ka barta Jaamacadda Banaadir University.
Sidoo kale, shaqaale Turkish ah oo dhisayay wadada Xariirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay weheliyeen ciidan ilaalo u ahaa ayaa dhammaantood ku wada-dhintay qaraxa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gaadiidka gurmadka degdega ah.
Developed by Jago Desain