Xiddiga Ugu Qaladaadka Badan Koox Walba Oo Premier League Ah Oo La Magacaabay

Xiddiga Ugu Qaladaadka Badan Koox Walba Oo Premier League Ah Oo La Magacaabay


Horyaalka Premier League waxaa jooga qaar ka mid ah laacibiinta ugu fiican dunida laakiin waxaa sidoo kale ka ciyaara ciyaaryahano qaladaad waa weyn sameeya xilli ciyaareed walba.

Waxba ma ahan lacag kasta oo laga soo bixiyo, tababar walba oo ay qaataan, ciyaartoyda waxay u nugul yihiin inay qaladaad sameeyaan marka ay cadaadis ku hoos jiraan.
Haddii ay ahaan laheyd goolhaye qalqal darteed goolka iska dhaliya, daafac kubada u baasa weeraryahankii uu kubada ka difaacanayay ama gooldhaliye gool faaruq ah dhalin waayay, waa hubanti inay qaladaad ka dhacaan horyaalka Ingariiska xilli ciyaareed walba.
Inkastoo uusan jirin ciyaaryahan aan qalad gelin hadana waxaan la beenin karin in laacibiinta qaar ay u nugul yihiin inay qaladaad badan sameeyaan.

HITC Sport ayaa go’aansatay inay eegto dhamaan 20ka kooxood ee Premier League iyagoo ka soo saaray ciyaartoyda ugu qaladaadka badan koox walba.

Hadaan soo koobo kooxaha waa weyn waxaa Arsenal kaalintaas u buuxiyay Shkodran Mustafi oo si wacan loola helay, dhanka Chelsea goolhaye Kepa Arrizabalaga ayaa isna noqday xiddiga ugu qaladaadka badan kooxda, waana sababta Blues ay goolhaye cusub u raadineyso xagaaga soo socda.
Liverpool waxay heystaan isna xiddig qaladaad badan waana daafaca dhexe Dejan Lovren kaasoo aan boos joogta ah ka heysan kooxda, halka Man United uu isna ugu qalad badan yahay Phil Jones laakiin sida Lovren isna boos joogta ah kama heysto Red Devils.
Halka Jonny Evans uu noqday laacibka ugu qaladaadka badan kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City.

Liiskaan waxaa sidoo kale ku soo baxay weeraryahano qaladaad badan sameeya sida xiddiga Crystal Palace Christian Benteke iyo xiddiga Bournemouth Dominic Solanke kuwaasoo inta badan fursado goolal loo fishay ka qasaariya kooxahooda.

  • Arsenal – Shkodran Mustafi
  • Aston Villa – Pepe Reina (Waxaa lagu qiimeeyay qaladaadkiisii hore ee Liverpool)
  • Bournemouth – Dominic Solanke
  • Brighton & Hove Albion – Shane Duffy
  • Burnley – Joe Hart
  • Chelsea – Kepa Arrizabalaga
  • Crystal Palace – Christian Benteke
  • Everton – Michael Keane
  • Leicester City – Jonny Evans
  • Liverpool – Dejan Lovren
  • Manchester City – John Stones
  • Manchester United – Phil Jones
  • Newcastle United – Jonjo Shelvey
  • Norwich City – Grant Hanley
  • Sheffield United – Jack Rodwell
  • Southampton – Angus Gunn
  • Tottenham Hotspur – Juan Foyth
  • Watford – Ben Foster
  • West Ham United – Roberto Jimenez
  • Wolverhampton Wanderers – Jonny.
Developed by Jago Desain