Guud Marka Buuga: maxaynu u seexanaa ? Why We Sleep; Unlocking the Power of Sleep and Dreams



Guud Marka Buuga: Why We Sleep; Unlocking the Power of Sleep and Dreams
Sanadka la daabacay: 2017
Tirada boga: 277
Qoraha buuga: Buuga maxaynu u seexanaa waxa qoray MATHEW WALKER, PHD oo ah bare dhiga cilimga barashada neerfaha iyo cilmi nafsiga UC Berkely, waana maamulaha waaxda shaybaadhka hurdada iyo neerfaha, wuxuuna hore uga dhigi jiray jaamacada Harvad cilmiga waalida wuxuu daabacay in ka badan boqol cilmi baadhiseed. Maxaynu u seexanaa waa buugiisii ugu horeeyay ee uu qoray

Buugu wuxuu ka koobanyahay Lix iyo Toban (16) cutub oo u kala baxa afarqaybood.
Qoruhu wuxuu ku bilaabayaa ma u malaynaysaa inaad seexatay hurdo kugu filan asbuucii ugu dambeeyay? Ma xasuusan kartaa goortii kuugu dambaysay ee aad toostay bilaa dawanka saacada adigoo firfircoon, una baahanayn bun? hadii jawaabta labadan su’aalood ay tahay maya kaligaa ma tihid. Marka dadka qaangaadhka ah ee aduunka ku nool  loo qaybiyo sadex meelood, laba meelood oo ka mid ahi way ku guuldaraysteen inay helaan sideed saacadood oo hurdo ah.
Si joogta ah hadaad u seexato in ka yar lix ama todoba sacaadood habeenkasta waxay burburisaa hab dhiska difaaca jidhka, in ka badan laba jeer waxay kor u  qaadaa khatarta kansarka, markasta oo ay hurdadaadu yaraato, markasta oo cimrigaagu gaabto. Saynisyahanada sida aniga oo kale waxaan bilaabnay inaanu ku guubaabino dhakhaatiirta inay bukaanka u qoraan hurdo.

Maxaad ku garan kartaa inaad hurdo kugu filan seexatay?
Markaad subaxii kacdo, hurdada miyaad dib ugu noqotaa tobanka subaxnimo ama kow iyo tobanka subaxnimo? Hadii jawaabtu ay tahay haa waxa laga yaabaa inaanad helin hurdo kugu filan xag tiro ama xag tayaba. Miyaad si fiican u shaqayn kartaa adigoon isticmaalin bun ka hor galabta? Hadii ay jawaabtu tahay maya, waxa laga yaabaa inaad xaaladadaa hurdo la’aaneed aad la tacaalayso. Miyaad is aragta adigoo kolba akhriyaya qoraalkii aad mar hore akhridaday hadana ku celinaya

Sidaynu u seexanaa?
Tirada hurdada, mudada hurdada iyo xiliga aynu seexanaba waxaa badalay dunida casriga ah. Dunida hore martay waxay seexdaan hal xili. Hadaad u fiirsato Gabraha ku nool waqooyiga Kenya ama qabiilka San ee ku nool lama degaanka Kalahaari kuwaasoo siday u noolaayeen ay inyar is bedeshay kumaankii sano ee ugu dambeeyay waxay seexdaan dhawr jeer. Habeenkii iyo casarkii oo ay indho casaystaan.

Cilmi baadhis ay Samaysay Jaamacada Harvard kuuliyada caafimaadka dadweynaha ayaa lagu ogaaday in dadka seexda casarkii ay ka caafimaad wanaagsanyihiin dadka aan seexan

Maxaa kuu Diidadaya inaad Seexato?
Dhawr shay ayaa aad u saameya hurdada tirada iyo tayaba: 1) Laydhka ama iftiinka joogtada ah 2) heerkulka 3) bunka (Caffeine) 4) Toosinta qasabka ah (enforced awakening)
Hurdada iyo Waxbarashada
In ka badan boqolkiiba sideetan (80%) iskuulada dawlada ee ku yaal Maraykanka waxay bilaabmaan 8:15 subaxnimo. Boqolkiiba konton (50%) ka mid ahi waxay bilaabmaan ka hor 7:20 subaxnimo. Basasku waxay ardayda soo qaadaan 5:45 subaxnimo. Sidaas darted, caruurta iyo dhalinyaradu waa inay toosaan 5:15 subaxnimo ama ka hor, sidaana ay sameeyaan shantii cisho sanado badan. Tani waa la yaab.
Xaalada noocan ah ee hurdo la’aaneed ay keeneen iskuulada xiliga hore bilaabmayaa waxay ku keentaa dhalinyara xaalado xanuun maskaxda ah ah, sida warwerka, waalida iyo weliba is dilid
Cilmi baadhis lagu sameeyay in ka badan shan kun (5000) oo arday oo dhigta iskuulada wadanka Japan ayaa lagu ogaaday in caruurta hesha hurdo badan ay ka natiijo sareeyeen kuwa dhigooda ah ee aan seexan hurdo ku filan. Waxa kale oo ay daraasadani muujisay in caruurta hurdo badan seexata ay ka garaad badan yihiin, kana  firfircoon yihiin kuwa dhigooda ah.
Cilimi baadhistu waxay kale oo ay daaha ka fayday in iskuulada oo goor dambe la bilaabaa ay kordhiso imaatinka fasalada, yaraysano dabeecad xumada iyo dhibatooyinka nafsiga ah iyo weliba kordhiso cimriga ardayda.

Hurdada iyo Daryeelka Caafimaadka
Hadii aad dawo caafimaad u tago dhakhtarka, waxaan kugula talin lahaa inaad dhakhtarka weydiiso intee in leeg baad seexatay 24kii saacadood ee la soo dhaafay? Jawaabta dhakhtarku waxay go’aamin doontaa in dawada uu ku siinayaa ay keeni karto caafimaad daro khatar ah amaba dhimasho.

Dhakaatiirta ama kalkaalisooyinka caafimaad ee shaqaynay sodan (30) saacadood oo xidhiidh ah waxay galaan inka badan boqolkiiba lix iyo sodan (36%) khaladaad xaga dawada ah sida inay qoraan tiro qaldan oo dawo ah ama inay kaga imaadaan agabka qaliinka gudaha bukaanka ay qaliinka u samaynayeen

Dhibaataynta iyo Caawinta Hurdada
Kiniin mise Talo Caafimaad
Kiniinada hurdadu kuwii iyo kuwii dambeba waxay keenaan hurdo la’aan soo noqnoqota. Marka qofku uu joojiyo dawada, waxa kugu ridaysaa hurdo la’aan aad iyo aad u xun oo mararka qaar ka daran hurdo la’aantii kugu keliftay inaan kiniinka doonato. Waxaanay keenaan caabuq, yaraynta habdhiska difaaca jidhka, kansar iyo shil.
Habka ugu u fiican ee hurdo la’aanta lagula tacaali karaa waa talo oo ay dhakhaatriita aduunku ay ka dhigtaan ta koowaad. Hababka ugu cadcadi waa in la iska yareeyo bunka, laga fogeeyo mobilada iyo telefishanada qolka hurda. Marka intaa lagu daro bukaanku waa inuu sameeyaa talaabooyinkana soo socda
1) Qabatimo wakhti sugan oo aad seexato soona toosto xiitaa xiliyada aad fasaxa tahay
2) Sariirto tago marka ay hurdo ku hayso oo keliya
3) Hadii ay hurdo kuu iman weydo ha sii jiifin, balse shaqooyin kale qabo sida inaad wax akhrido
4) Hurdada casarkii iska ilaali hadii ay kugu keenayso habeenkii hurdo la’aan
5) Ka saar maskaxda fikirada keenaya werwerka iyo walbahaarka ka hor hurdada
6) Ka fogee qolka hurdada saacada adigoo ka hor tagaya werwerka ay keenayso daawashada saacada ee habeenkii

Cabdirahman Maxamed (Guray)
Previous Post Next Post