Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddiga Shirka wadatashiga Puntland

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddiga Shirka wadatashiga Puntland

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni isagoo ka duulaya Warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee ku qabsoomay magaalada Boosaaso, Bishii February 07, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay kamid ahayd in la qabto shir weyne wadatashi ah 15-ka Bisha March 2020 oo ay isugu imaanayaan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Wakiillada ku matala Dowladda Federaalka, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka si looga tashado mustaqbalka Dowladda Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaaleynta Dalka.


Sidaas darteed, Madaxweynaha Puntland wuxuu u magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shirka Wada-tashiga Dowladda Puntland xubnaha hoos ku xusan:

  1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda, Gudoomiye.
  2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.
  3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha, Xubin.
  4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Xubin.
  5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha, Xubin.
  6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan, Xubin.
  7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan, Xubin.
  8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka, Xubin.
  9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka, Xubin.
  10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka, Xubin.
  11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka, Xubin.
Developed by Jago Desain