Ugaar iyo Habar dugaag (Duurjoog)

Duurjoogta waxay u kala baxdaa laba qaybood oo la kala yiraahdo ugaadh iyo habardugaag. Ugaadhu waa baad iyo biyo ku nool; micnaha caws iyo biyo ku no

 


Duurjoogta waxay u kala baxdaa laba qaybood oo la kala yiraahdo ugaadh iyo habardugaag. Ugaadhu waa baad iyo biyo ku nool; micnaha caws iyo biyo ku nool.

Ugaadha waxa ay ku nooshahay wixii dhulka ka baxa sida: daaqa, caleemaha, dhirta laamaheeda jillicsan iyo wixii la mid ah. Badanaa xajmi ahaan waa ay kala weyn yihiin, waxaana ka mid aha kuwooda ugu waaweyn maroodiga, wiyisha, jeerta iyo kuwo kale oo waaweyn. Kuwooda yaryar waxaa ka mid ah sagaarada, bakayluhuna iyo kuwo kale oo fara badan. Bahdan ugaadha la yiraahdo waxa ay leeyahiin cadow badan oo iyaga dhiigooda iyo hillibkooda ku nool. Bahdani waxaa ay leeyihiin dareen iyo feejignaan si ay cadowga ay leeyihiin isaga ilaaliyaan.

Waxa ay leeyahiin dhego aad uga nugul maqalka oo si fudud ayey wax u maqlaan, dhegahaasi kolba dhinaca ay wax ka dareemaan ayay u jeestaan, si ay u ogaadaan waxa ay maqleen waxa uu yahay. Haddaba dareenka maql waxaa ay ku ogaadaan qiyaasta ay u jirto shanqartaasi, kadibna waxaa ay isu diyaariyaan sidii ay meesha uga carari lahaayeen.

Developed by Jago Desain