DEG DEG: Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Muqdisho, Baydhabo, Jowhar, Dhuusa-Mareeb & Kismaayo, kuna dhawaaqay.


Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhaw la hadlay warbaahinta dawladda, ayaana shaaca ka qaaday in ay dawladda Faderaalka Soomaaliya wada hadal yeesheen oo ay ku heshiiyeen qodobadii laysku hayay, isla markaasna heshiis rasmi ah ay gaari doonaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu socdaal rasmi ah ku tagayo magaalada Muqdisho, uuna dhammaan booqan doona dawlad gobaleedyada oo dhan, gaar ahaana meelaha dhibsaday warsaxaafadeedkii kasoo baxay shirkii magaalada Garoowe.
Isimadda Puntland ayaa dadaal badan-galiyey sidii horumar wanaagsan looga gaari lahaa wada xaajoodyada iyo danta Puntland-na ay noqoto waxa koowaad ee laga wada hadlayo.
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad o hogaaminaya wafdiga dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa si adag ula hadlay Madaxda Puntland, gaar ahaana Isimadda oo ay u sheegeen xaqiiqada taala Soomaaliya, taas oo qasabtay in ay door weyn ciyaaraan Isimaddu.
Madaxweynaha ayaa aqbalay soo jeedinta Isimadda iyo wada hadalka dawladda Faderaalka Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay Midnimada dalka Soomaaliya.
Developed by Jago Desain