NABADOON SICIID NABADOON MAXAMUUD OO LAGU CALEEMASAARAY DEEGAANKA QORAXAAD EE DEGMADA BAARGAAL

NABADOON SICIID NABADOON MAXAMUUD OO LAGU CALEEMASAARAY DEEGAANKA QORAXAAD EE DEGMADA BAARGAAL


Deegaanka Qoraxaad oo ka tirsan  Degmada Baargaal ee gobalka Gardafuu waxaa lagu  caleema saaray Nabadoon siciid Nabadon maxamuud siciid maxamed Naxar oo Nabadoon u noqday  Beesha maxamuud Cabdisamad ee Beelaha aadan Cabdiraxmaan ee Siwaaqroon
Xalafada caleema saarka Oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay iyadoo lagu saleeyay Hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qayb galay Suldaanka Guud ee Beelaha Aadan C/raxmaan suldaan Maxamed muuse indhataag iyo dhamaan Nabadoonada deegaanka iyo Nabadoono iyo cuqaal ka kala yimid degmooyinka iyo magaalooyin waawayn ee Puntland iyo Soomaaliya iyo Aqoonyahano iyo waxgarad , samadoono, culamaaudiin , masuuliyiinta Degmada Baargaal oo hogaaminaayay Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baargaal iyo marti sharaf kale oo badan 

Sidoo kale waxaa khadka taleefanka kaga soo qayb galay munaasibada Caleemasaarka Beeldaaje ismaaciil Beeldaaje yaasiin oo u hambaleeyay Nabadoonka Cusub iyo beesha soo xulatay asago kula dardaarmay in lala shaqeeyo oo garab loo noqdo 
Isimadii iyo Nabadoonadii ka hadlay Caleemasarka oo ka jeediyay madashii caleemasaarka khudbado isugu jiray Dardaaran iyo Duco ayaa waxa ay sheegeen in ay Nabadoonka Cusub ay ku soo dhaweeynaayaan Saaxada Nabadoonada islamarkaana ay garab taagan yihiin.
Inta badan Masuuliyinta ka soo Qeb Gashay Caleema saarka oo goobta ka hadalay ayaa balan qaaday in ay soo dhaweeynayaan  Nabadoon siciid Nabadon maxamuud islamarkaana ay alle uga baryayaan in uu xilka u fududeeyo.

Suldaan Maxamed Muuse indhataag suldaanka guud ee beelaha aadan C/raxmaan oo ka hadlay munaasabada ayaa marka hore u hambaleeyay nabadoonaka iyo beesha soo xulatay asagoo ugu baaqay in lala shaqeeyo oo la garab istaago nabadoonka cusub si looga mira dhaliyo shaqada wanaagsan ee la qabtay 
Nabadoon siciid Nabadon maxamuud oo ugu danbayntii ka hadlay munaasimda caleemasaarka ayaa marka hore bogaadiyay sida wayn ee loo soo ajiibay ee looga soo qaybgalay xaflada caleemasaarkiisa asagoo u mahadceliayay dadkii meelaha  dheer uga yimid ee safarka dheer u soo galay iyo kuwa soo qabanqaabiyay ee dadaalka galiyay ee halkaa soo gaarsiiyay ee ku guulaystay asagoo ka codsaday  ka codsaday in ay la shaqeeyaan 

Developed by Jago Desain