Koox hubeysan oo macalimiin dugsi quraan ku dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in koox hubeysan ay halkaasi ku dishay macallimiin dugsi quraan oo la sh

Wararka ka imaanaya degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in koox hubeysan ay halkaasi ku dishay macallimiin dugsi quraan oo la sheegay in subac akhrinayeen markii uu dilki dhacayay.

Kooxdan hubeysan oo aan heybtooda la aqoonin ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen falka ka dib.

Sawirada meydadka macalimiinta la laayay ayaa saakay lagu arkayay baraha kala duwan ee ay bulshadu ku xiriirto.

Macalimiintan la laayay oo tiro ahaan ka koobnaa Shan macallin ayaa lagu kala magacaabayay, Sheikh Daahir Xasan Cali Dheere, Macalin Maxamuud Canbuure, Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe, Macalin Mukhtaar Cabdullaahi Cilmi, Ow Muxumud Xasan Cali Dheere.

Guddoomiyaha Degmada Cadale Muuse Ganeey oo ka hadlay dilkan loo geystay macalimiinta ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin in falkan uu la xiriiro aano qabiil.

“Mashaakil dhici jiray waaye, xogta waa maqli doonaa waa qabyo, arrinkan waa nagu badatay, waan ogaan doonaa, koley dad shacab ah waaye, dagaal beeleed waaye, dowlad ma aha, aano qabiil ayaan tuhunsanahay” Ayuu yiri Muuse Ganey.


Developed by Jago Desain